Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»100-kii Maalmood ee Farmaajo & Villa Somalia: Toban Safar, 30 Qarax & 415 Dhimasho [Qormo Qiimeyn ah]

    100-kii Maalmood ee Farmaajo & Villa Somalia: Toban Safar, 30 Qarax & 415 Dhimasho [Qormo Qiimeyn ah]

    June 3, 20178 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Farmajo's betrayal of the Somali people
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    100-kii maalmood ee ugu horreysay ee uu talada dalka hayay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu galay 10 safar, isagoo booqday 9 dal, wuxuuna dalka ka maqnaa 26 maalmood, taas oo celclis ahaan ka badan madaxweynayaashii ka horreeyay.

    Dhanka Amniga, waxaa dhacay 30 qarax, waxaana dhimatay 415 qof oo uu kamid yahay wasiir xukuumaddiisa ka tirsan. Tiradaas ayaa sidoo kale celcelis ahaan ka badan tirada qaraxyada iyo dhimashada rayidka taliskii madaxweynihii hore.

    Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxa uu sameeyey ballanqaadyo fara badan maalmihii ugu dambeeyey ololihii doorashadiisa isaga oo sheegay in uu wax badan ka bedeli doono hab dhaqanka siyaasadeed ee dalka ay horey ugu soo maamuli jireen madaxweynayaashii isaga uga horeeyey hogaanka dalka. Ballanqaadyadaas waxaa ugu muhiimsanaa kuwa la xiriira safarrada madaxda iyo kuwa la xiriira amniga.

    Ballankaasi waa buray waxa uuna noqday wuxuuna raacay dabayshii ololaha doorashada. Mid ka mid ah ballanqaadyadaas waxa uu ahaa in uu socdaalka dibadda u deyn doono wasiirka arimaha dibadda maadaama uu yahay mas’uulka u xilsaaran xiriirka caalamka.

    Ballanqaadkii madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa sidan: “Waxaan bedalayaa dhaqankii siyaasadeed  ee madaxda dowladda ay caado ka dhigteen in safaro aan loo baahneyn lagu sii socdo oo waqtiga iyo hantida qaranka lagu lumiyo  waa caado xun , maxaa yeelay wasaaradda arrimaha dibadda  jirta oo loo baahanyhay inay socoto  ma ahan in madaxweynahu uu bishiiba 3 jeer safar aado sidaas darteed  waa in la joojiyaa dhaqankaas”.

    Laakiin, madaxweyne farmaajo ma dhaqangelin ballanqaadkaas isaga 100-kii maalmood ee ugu horeysay tan iyo bishii Feberaayo 8 dii uu socdaal aan kala go’ lahayn ku aaday 9 dal. sidoo kale tirada maalmihii uu ka maqnaa dalka ayaa gaaray 26 maalmood.

    Haddii uu heerkan ku socdo, taas macnaheedu wuxuu noqonayaa inuu dalka ka maqnaan doono 375 maalmood afarta sano ee uu xilka hayo, taas oo celcelis ahaan u dhiganta inuu dalka ka maqnaan doono hal sano iyo 45 cisho.

    Hadaba, ballankii madaxweyne Farmaajo waxa uu jebiyey 100 kii maalmood ee ugu horeeyey waqtigiisa madaxweynenimada, iyada oo sidoo kale ay safaradiisu saameyn xoogan ku yeesheen hawlihii wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalimaga.

    Dhinaca kale waxaa mudadaas 100-ka maalmood gudahood ah booqasho ku yimid dalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK Boris Johnson, Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Moussa Faki iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika Axmed Axmed.

    100-kaas maalmood gudaheed waxaa uu madaxweyne Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay dhowr safiir oo kala ah safiirka cusub ee Ingiriiska David William Concor, Safiirka cusub ee Shiinaha u fa`dhiyi doona Soomaaliya Qin Jian iyo safiirka cusub ee Itoobiya Jamaaludiin Mustafa Cumar.

    Dalalka uu booqday 100 ka maalmood gudahood: Sacuudiga (2 safar), Kenya, Jordan, Dalka Isutaga Imaaraadka, Turkiga, Itoobiya, UK, Jabuuti iyo Qatar.

    Inkastoo uu Wasiirka Arimaha Dibadda Yusuf Garaad Cumar sheegay in safaradaas aysan dowladda wax kharash ah uga bixin, haddana Goobjoog waxay heshay xog lagu kalsoonaan karo oo muujineysa in, marka laga reebo 2-da safar ee Sucuudiga iyo kii Imaaraadka, kharash aad u badan ay dowladda Soomaaliyeed ku bixisay safarada Madaxweyne Farmaajo.

    Tusaale ahaan, shirka London waxaa Soomaaliya uga qayb galay illaa 35 qof. Dowladda Britain waxay nooliga safarka ka bixisay 10 qof, inta kalena Dowladda Soomaaliya ayaa bixisay, kharashkaasna wuxuu ka badan yahay 150 kun oo dollar.

    Sidoo kale, safarrada Kenya, Itoobiya, Turkiga, Jordan, Djibouti iyo Qatar waxaa ku baxay kharash celcelis ahaan gaarayaa 50 kun oo dollar midkiiba.

    XAALADDA AMNI EE DALKA 100-KII MAALMOOD EE MADAXWEYNE FARMAAJO
    30 Qarax, 415 Dhimasho Ah Iyo Heshiisyo Amni

    Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu shacabka u sheegay markii uu murshaxa ahaa in loo baahan yahay isbadal dhab ah isaga oo marwalba xooga saarayey guud ahaan arinta amniga dalka, gaar ahaan amniga magaalada Muqdisho.

    Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxa uu waqtigaas iyo ka diba ballanqaaday in arinta aminiga dalka aaney ujeedadeedu aheyn oo keliya qof lagu badalayo qof kale iyo  xukuumad mid kale badaleysa.

    Waxaa sidoo kale isla khudbadaas uu barlamaanka 10aad u jeediyay  ku jirtay waxa uu sameyn doono haddii weerar ama qarax dhaco isaga oo ballanqaaday haddii la doorto in uu 100 Kun oo doollar siin doono qofkii soo sheega baabuurta qaraxyada xambaarsan ama qofkaas loo diri doono dibada haddii uu rabo, hoteellada iyo guryaha la qarxiyayna uu dhisi doono, dadkana magdhaw la siin doono, agoonta iyo waalidiinta laga dhintayna iyagana la siin doono dhaqaalihii ay ka heli jireen marxuumka dhintay iyo daryeelkii ay u baahnaayeen.

    Erayada khudbadiisa waxaa ka mid ahaa: “waxaan ballanqaadayaa shacabkii Soomaaliyeed oo dhaawacma inaan daawadooda bixinno, kuwa dhintayna aan ehelkooda joogto wax u gaarsiinno, hantidii burbutana aan caawinno oo aan dib ula dhisno wixii burburay, qofkii noo soo sheega meesha ay wax ka jiraan iyo baaburta qaraxyada wada waxaan u ballanqaadayaa 100 kun oo doolar, waxaan rabnaa inaan badbaadinno shacabka Soomaaliyeed, abaalgudkaas aan sheegnay waan bixineynaa, laamaha amniga waxaan ka codsanayaa iney feejignaadaan.”
    Hadaba, 100-kii maalmood ee ugu horeysay ee xilka madaxweyne Maxamed Farmaajo, ayaa waxaa dhacay dhacdooyin murugo leh sida qaraxyo, dilal toos ah iyo dagaal beeleedyo.

    Isla boqolkaas maalmood gudahood, mudane Farmaajo waxaa uu isbadal ku sameeyay hey’adaha amniga isaga oo maalin qura shaqada ka eryay dhamaan afartii taliye ee ciidamada amniga ugu sareeyey, isla markaana magacaabay kuwa kale, dhaqankaas oo dad badan ay ku dhaliileen, waxaa intaa dheeraa hawlgalo la sameeyay, qaraxyo la fashiliyay iyo 3 heshiis amni oo la galay sida: Heshiiska Madasha, heshiiskii amniga ee London iyo soo jeedinta qorsho hawleed lagu xasilinayo magaalada Muqdisho.

    Khasaaraha Amni Ee 100-ka Maalmood:
    Muddada 100-kii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dadka Soomaaiyeed soo gaaray khasaare naf iyo maal leh, dadka la dilay waxaa ku jiray qaar toos loo toogtay, qaraxyo, dagaal beeleed, duqeyn iyo  qaabab kale. Sida aan horay u sheegnay 100-kii maalmood ee madaxweyne Farmaajo ugu horreysay waxaa Soomaaliya lagu dilay 415 qof halka dhaawaca uu gaarayo 239 qof.

    Dhacdooyinka Bilaha:
    Bishii Feberaayo doorashada madaxweynaha ilaa dhammaadkeeda waxaa la dilay 68 qof, dhaawacyada  waxaa ay gaareen 66 qof.
    Bishii Maarso ee sannnadkan waxaa la dilay 145 qof, dhaawaca waxaa uu ka badnaa 62 qof.
    Bishii Abriil waxaa la dilay 132 qof halka dhaawacyada ay gaareen illaa 65 qof
    Bishan Maajo ilaa hadda waxaa la dilay 68 qof halka dhaawacyo loo geystay dad ka badan 26 qof.
    Magaalada Muqdisho:
    Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilalkii ugu badnaa, in ka badan 192 qof ayaa lagu dilay gobolka Banaadir labadii bil ee la soo dhaafay halka lagu dhaawacay in ka badan 151 qof.
    Dadka Muqdisho lagu dilay waxaa ku jiray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah, kuwaas oo lagu dilay qaraxyo iyo toogasho toos ah, in ka badan 48 ayaa ka dhintay ciidanka halka 75 kale ka dhaawacmeen.
    Waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhacay dilal loo geystay ergo iyo odoyaal ka qeybgalay doorashadii dadbaneyd ee dalka ka dhacday 2016/2017, ilaa 21 ergo  iyo odoyaal dhaqameed ahaa ayaa la dilay halka 2  la dhaawacay.

    Tirada dhimashada dawlad goboleed walba lagu dilay waa sidan: tirada dadka lagu dilay Benaadir waa 184, Hirshabeelle waxaa lagu dilay in ka badan 37 qof, Koonfur Galbeed waxaa lagu dilay 63 qof, Jubbaland waxaa lagu dilay 78, Galmudug waxaa lagu dilay 20 qof, halka Puntland lagu dilay 25 qof.

    Qaraxyada guud ahaan dhacay waa 30 qarax, waxaa ay isugu jiraan qarax gaari, Hotel, Bambaanooyin iyo dad isqarxiyey.
    Waxaa kale oo jiray dhacdo saameyn xanuun badan reebtay taas oo ahayd dilkii naxdinta lahaa ee wasiirka howlaha guud Cabbaas Sheekh Siraaji iyo dhacdooyin kale oo iyaguna saameyn ku yeeshay xagga amnigasida dilalka saraakiil ciidamada ka tirsan.

    42 qof oo Soomaali ah oo saarnaa dooni ku sii jeeday dalka Suudaan ayaa 16-kii bishii Maarso ee sannadkan diyaarad Helicopter ah duqeyn ku dishay dadkaas deegaanka Xudeyda kaas oo aysan dawladda Maxamed Farmaajo dheg jalaq u siinin iskaba daa in loo sameeyo baroor diiq qarane.
    Dagaal beeleedka ayaa dalka ka dhacay, waxaa ugu dambeeyay dagaalo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

    Celceliska billaha ah ee sannadkii hore waxaa la dilay 118 qof halka 3 dii bil ee ugu horeysay ee xilka madaxweyne Maxamed Farmaajo uu celceliska dhimashada bishiiba yahay 137, waxaa halkaasi ka cad in 14% ay kor u kacday tirada dhimashada ee billaha ah.

    Dadaaladii Amni Ee Madaxweyne Farmaajo Sameeyey 100-kii Maalmood
    Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa uu sameeyay dadaalo xaga ammaanka ah sida isbedal uu ku sameeyey hogaanka laamaha amniga, iyaga oo sameeyey isku day hub uruurin iyo fashilin qaraxyo, waxaa intaa dheeraa in uu madaxweyne Farmaajo ka qaybqaatay kulankii heshiiskii amniga ee madasha dawlad goboleedyada ee dhacay Muqdisho 16-kii April, kulankaas oo uu shir gudoominayey madaxweynuhu kaas oo lagu sameeyay Guddiga Amniga Qaranka uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Heshiiskaas ayaa ugu dambeyntii lagu soo afjaray shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada London 11-kii bisha May, isaga oo noqday heshiis amni oo cusub oo u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka.

    Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa uu sheegay amaba ku dhawaaqay (sida ay la tahay in badan oo siyaasiin ah) 6dii Abriil, 2017 in dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

    Dadaalka hub uruurinta ayaa noqday mid muran iyo buuq badan keenay, iyadoo beelaha Muqdisho qaarkood ay u arkeen mid si gaar ah iyaga loo bartilmaameedsanayo, iyagoo sheegay in hub uruurintu ay aheyd inay noqoto mid dalka oo dhan ka dhacda. Dadkii hubka laga uruuriyey qaarkood oo ahaa madax iyo taliyayaal ciidan ayaa la weerary, iyadoo qaarkoodna ay naftooda ku waayeen.
    Haddaba, si guud marka loo qiimeyo, 100-ka maalmood ee ugu horeeya ee xukunka Madaxweyne Farmaajo waa mid walaac ku abuuri kara dadkii Soomaaliyeed ee u guuxay doorashadiisa, iyo baarlaamaankii kalsoonidooda siiyay. Waxaana dalka ka jira niyad jab muuqda, iyadoo halhayska dadkuna yahay: “La mood, noqonse waa”.

    Isha: Goobjoog News

    February 16-26kii May 2017-kii

    100 maalmood ee Farmaajo Farmaajo Madaxweyne Farmaajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAMISOM oo War Cad ka soo saartay Weerarkii ka dhacay Kulbiyow [Akhriso]
    Next Article Salaad Cali Jeelle oo si weyn taageeray howlgallada hub dhigista ee magaalada Muqdisho [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo