11 askari ayaa lagu dilay, 78 kalena waa lagu dhaawacay weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday xarun ay Booliska Turkiga ku leeyihiin magaalda Cizre ee Koonfur Bari ee dalkaasi.
Wasiirka caafimaadka Turkiga Recep Akdag ayaa sheegay in dhaawacu ka badan badan 70 qof, halka dhimashada aanay caddeyn.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan oo ka mida kuwii ugu dhiigga badnaa ee lala beegsaday ciidamada Turkiga. Sawirro laga helay xarunta la weeraray ayaa muujiyay inay gebi ahaanba burburtay xaruntaasi ciidamada booliska lahaayeen.
Gaari xamuul ah oo weyn ayaa laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana lagu dhuftay xaruntaasi kaasoo keenay burbur weyn iyo halaag halkaasi ka dhacay.
Kooxda Kurdiyiinta ee PKK ayaa lagu tuhmayaa inay ka danbeeyeen weerarkan sida uu sheegay duqa magaalada Cizre oo ka mida gobolka Sirnak ee xuduudka la leh dalka Suuriya.
a
Wadani.com