Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»12-ka Oktoobar: Sanadguuradii 62-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed (WQ: Halgame C/Qaadir Boolaay)

    12-ka Oktoobar: Sanadguuradii 62-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed (WQ: Halgame C/Qaadir Boolaay)

    October 12, 20168 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta ii farxad ah in marka hore aan halkani  hambalyo iyo bogaadinba  uga dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah  12 Oktoober oo ku beegan sannadguuradii 62aad ee helidda Calanka Qaranka Soomaaliyeed.

    Waa maalin xusid mudan oo ku weyn sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana Ilaahay ka baryeynaa in ummadda Soomaaliyeed quluubtooddii isku soo dumo oo colaadda Ilaahay ugu beddelo nabad dhibatadda ku habsatay Eebbe ka qaado, si loo gaaro midnimo iyo horumar.

    boolaay
    Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

    Halgankii sharafta badnaa ee naf iyo maalba loo huray waxaa maanta nasiib daro ah in dawladihii dareska ay ku dhiiradaan in ay boobaan ama si fudud ku qaataan khyraadka badda iyo biriga Soomaaliyeed, taasi waxaa u sabab ah burburka iyo kala go’a shacabka Soomaaliyeed oo shalay ahaa mid kuna himiloonayey in maalin maalmaha ka mid ah in la  heli doono Soomaali weyn oo mideysan.

    Waxaa horay loo yiri, “Midnimado waa awood, kala tagguna waa burbur” hase yeeshee inta uu nool yahay damiir Soomaaliyeed oo ka damqada boobka iyo dhaca lagu haayo shacabka Soomaaliyeed waxaa xaqiiqo ah in marna aan si fudud lagu qaadan doonin taako ka mid ah badda iyo biriga Soomaaliyeed, waxaan leeyahay kuwa  aan damiirka lahayn in ay ka fogaadaan u hiilinta cadowga Soomaaliyeed oo damaca weyn ka leh in ay qaataan bad weyntii Soomaaliyeed, maxaa yeelay qof alla qofkii dambi ka gala dadka iyo dalka wuxuu geli doonaa taariikhda madow.

    Haddii si kooban u xuso calanka soomaaliyeed oo noociisu yahay circka oo kale oo xiddig cad ay dhexda kaga taalo taasoo astaan u ah Soomaali weyn oo isticmaarkii 5 qeybood u kala qeybiyey waxaa calanka qaranka soomaaliyeed la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

    Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa, waana ninka Sawirkan ka muuqda calanka soo saaray, Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

    Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa ha ka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah.

    Waxayna taasi astaan u tahay Xiddigta cad ee Bartamaha kaga taala calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jeceelkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub oo ay ku qaybsadeen shirkii Berlin sanadkii 1884kii waxaa hormood u ahaa dawladda Ingiriiska natiijadii shirkaasi waxaa soomaaliya loo qaybiyey 5 qaybood, dawaladda Ingiriiska waxay nasiib u heshay 2 qayb oo ka mid ah dhulka soomaaliyeed oo maanta loo yaqaanao Soomaali Galbeed iyo Soomaali Bari N.F.D, dawladda Talyaaniga na wuxuu qayb ahaa u qaatay Konfurta Soomaaliya, dawladda Faransiiskana waxay qayb ahaan u qaadatay dhul xeebeeda ee Djabouti, dawladda Ingariiska laba qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed wuxuu hibeeyey dawladda Itoobiya iyo Kenya.

    1- Koonfurta Soomaaliya oo loo yaqiinay Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya “Somali Italian” xiligaasi  gacanta ku haayay Dawladda Talyaaniga.

    2- Waqooyi Soomaaliya  oo loo yaqiinay Dhulka Somaliland ee Biristishka  “Somali
    Britishland” oo dawalada Ingariiska gacanta ku haayay.

    3- Soomaali Galbeed oo hadda  ka tirsan maamulka dawaldda Itoobiya oo dawladdii
    Ingiriiska gacanta u gelisay dawladda Itoobiya

    4- Waqooyi bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay
    dawladda Ingiriiska.

    5- Jabuuti oo xiligaasi gumeysanayey dowladda Faransiiska.
    MidabkaCalanka

    Marxuum Maxamed Cawaala Liibaan Midibka Calanka wuxuu ku micneeyey nabadgalyo, Buluuga-na wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, Bada, Cirka (Hawada) iyo Dhulka. Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka Biyaha oo ah Aasaaska Nolosha, tilmaamaha u bixiyey Marxuum Maxamed Cawaale waxay caddeyn u tahay in dalkiina uu yahay dhul barwaaqo leh.

    Soo Bandhigidii Calanka
    Markii uu Maxamed Cawaale Liibaan uu u soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Libaan, nasiib wanaag aniga oo ah Cabdulkadir Cali Bolay waxaan nasiib u yeeshay in aan goobjoog ka ahaa xiligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii xornima doonka SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqay in la qaato hindisaha uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

    Hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zair iyo kan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogoleyn calan dal leeyahay, maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkeystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin Maxaa yeelay wuxuu u agyahay calanka dalka Zaire.

    Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi / Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

    Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism”.

    Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 62 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaa soo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.
    Taariikh Kooban waa sida tan hoos ku qoran:

    Haddii  si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degayo 62 guuraddii astaanta calanka u ah Qaranimadda shacabka Soomaaliyeed. Waxaana jeclahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka in ay fahmaan dhibaatadda xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano, hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in  dawladdii dhexe ee aynu lahayn gacanteyna ku burburinay, dalkii na maanta uu noqdo maamul goboleeydo yar yar oo aan awood lahayn.

    Sidaasi darteed waxaan ku baaqayaa in laga fiirsado arrintaani maanta loo gurbaan tumaayo oo ah Federal system maxaa yeelay dadweynaha soomaaliyeed waa reer guuraa oo aan xad kala lahayn ma na u baahan in la kala xirxiro oo la dhex dhigo fidno iyo colaad hor leh
    Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

    Dhallinyaro ka kooban 13, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac-baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

    Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah, sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

    Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale. Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynkanka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

    Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

    Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

    Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacabka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaankii Cabdullahi Qarshe heestiisi calanka oo ah : “Qolobaa calankeed”

    http://masuul.com/hees/heesaha/abc/cabdulaahi%20qarshe/qolaba-calankeed-qarshe.mp3

    Qolabaa calankeedu waa ceynoo,

    Innagaa keenu waa – Cirkoo kale’e

    Ee aan Caadna-laheyn

    Ee aan Caashaqayee

    Xiddigyahay Cadibaa  – Naa-Ciidamisee

    Caradaan Kaligaa Adigow Curadee

    Cadceeda Sideeda ee Caann Noqo’ ee

    Gabagabadii xuskani sannad guuradii 62aad ee calanka qaranimada soomaaliyeed waxaan halkani baqaa ugu dirayaa dhamaan dhallinyaradda soomaaliyeed in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadkii soomaaliyeed ee colaada dhex martay in ay is cafiyaan oo ay gunta dhiisha isaga dhigaan sidii dalka dib loogu soo celin lahaa sharaftii uu shalay lahaan jiray, maxaa yeelay maanta waxaa nasiib daro ah dawlado shalay ka baqi jiray awood iyo  haybadda shaacabka soomaaliyeed in ay maanta ay ku dhiiraddaan ama damac weyn ka leh in si fudud u qaataan badda iyo biriga ba isla markaasi na fara gelin xoogan  kula jira siyaasadda  dalka.

    Dhallinayaradda soomaaliyeed waxaa ku dayasho muddan dhallintii naftooda u huray  in ay dalka gaarsiiyaan xornimo taamo ah isla markaasi na dadaal xoogan ku jiray sidii ay u heli lahaayeen soomaali weyn oo mideysan taasi ayay ahayd ujeedooyinkii xisbiga SYL.
    Waxa Qoray: Halgame Dr. Abdulkadir Ali Bolay

    Cqaadir Cali Boolaay Maalinta Calanka Qolabaa calankeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dagaal ka qarxay degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud
    Next Article DEDDEG: Ahlu Sunna oo dagaal ku qabsatay Degaanka Godinlabe ee u dhow Magaalada Cadaado

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo