Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»12 Musharax Madaxweyne oo Go’aan Culus kasoo saaray ka qeybgalka Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

    12 Musharax Madaxweyne oo Go’aan Culus kasoo saaray ka qeybgalka Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

    November 10, 2020Updated:November 10, 20206 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    12 Musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay go’aan uga qaateen ka qeybgalka Doorashada Soomaaliya 2020/2021.

    Qoraalkan ayaa lagu caddeeyay inaysan ka qeyb galeynin hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada, kuraasta iyo ku shubashada Doorashada 2020/2021, waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada in inta ay goori goor tahay si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka, xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    MOWQIFKA IYO GO’AANKA MURASHAXIINTA MADAXWEYNENIMADA SOOMAALIYA EE KA QAYBGALKA DOORASHADA 2020/2021

    FAAFINTA RASMIGA AH November 10, 2020


    Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 bisha Nofeembar, 2020 ayaan inaga oo ah Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2021 oo ay magacyadoodu ku saxiixan yihiin xaga hoose ee warqadan, waxaan soo gunaanadnay kulamo aan caadi ahayn oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku qabsoomay si fool ka fool ah iyo weliba iyada oo la adeegsanayo aalada casriga ah ee fududeysa qabashada kulamada xubnaha kala fog.

    Ka sokow marxalada guud ee dalka ee qalafsan , murashaxiintu waxa ay si gaar ah uga
    doodeen xaalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku ku jiro maadaama ay mudo aad u
    kooban ka harsan tahay mudo xileedkii dastuuriga ahaa ee hay’adaha sharci dejinta iyo
    fulinta sida uu xeerinayo Qod. 60aad ee Dastuurka KMG.

    Murashixiintu waxa ay si qoto dheer isula gorfeeyeen cabsida laga qabo in uu dalku galo firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sababi kara burbur ku dhaca saabaanka guud ee dowladnimo hadii aan lagu guuleysan qabshada Doorashada Guud ee dalka 2020/2021 si waafaqsan heshiis siyasadeedkii Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gareen Madaxda dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uuna meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya bishii Sebteembar 26, 2020 si loo siiyo heshiiska awood sharciyeed oo lagu xaqiijiyo hirgelinta iyo maamulka hannaanka iyo habraaca doorasho hufan oo laysla wada oggol yahay kuna dhacda muddadii loo asteeyey.

    Sidoo kale, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay doodwadaag iyo fallanqeyn dheer ka dib si gaar ah u saluugeen gaabiska iyo dibu-dhaca ku yimid qaybihii hore ee jadwalkii loo asteeyey hawlaha doorashada ee ku mudeysnaa ilaa bisha Feberaayo ee sannadka 2021.

    Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya – iyaga oo mar kasta tixgelin gaar ah siinaya sarreynta sharciga iyo hufnaanta hannaanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan hannaanka doorashada dadban ee lagu wada heshiiyey, isla markaasna dhowraya sida ku cad Qodobka 60 (1) ee cadaynaya mabaadii’da iyo muddada xilhaynta – waxa ay sida soo socota cadeynayaan mowqifka iyo go’aankooda ku aadan arrimaha soo socda:

    i. Hannaanka iyo madaxbannaanida dhismaha xubnaha Guddiyada Doorashooyin labada
    heer dowladeed ee ilaa iyo hada lagu dhawaaqay.

    ii. Cida iska leh awoodda dhismaha xubnaha guddiyada doorasho ee maamulaya kuraasta
    Gobollada Waqooyi ee Somaliland ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka
    Federaalka Soomaaliya.

    iii. Welwelka iyo cabsida xoogan ee la filan karo markii uu dhammaado mudo xileedkii
    hay’adaha dastuuriga ahaa ee Dowlada Federaalka isla markaasna ay ka dhalato
    halkaas firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sabab u noqon kara burburka
    saabaankii dowladnimo ee dalka,

    Sidaas darteed, inaga oo ah Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna garwaaqsan dadaalladii lagu bixiyay wadatashiyadii lagu gaaray heshiisyadii siyaasadeed ee hannaanka doorashada dadban oo ku salaysnaa heshiis loo wada dhanyahay talada hannaanka doorashada, WAXAAN SI XOOGGAN U DIIDANAHAY:

    1- Hannaanka loo maray dhismaha Guddiyada Doorashooyinka labada heer dowladeed ka dib markii aan xaqiijinay in Xafiiska Madaxweynaha, iyo kan Ra’iisal Wasaaraha iyo kan Hoggaanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay musuqmaasuqeen dhismihii guddiyada aan kor ku soo xusnay iyaga oo ka dhigay guddiyadii doorashooyinka ee labada heer dowladeed xubno askar ah oo ka tirsan hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, shaqaalihii maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubno aad loogu yaqaan taageerada madaxweynaha taasina ay si cad u burineyso heshiisyadii siyaasadeedkii wada-ogolka looga gaaray hannaanka doorashada dadban ee 2020/2021.

    2- Magacaabista Xukuumadda Federaalka xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal ku metelaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland, waxaana caddeyneynaa in marna aysan sharciyad haba yaraatee u haysan Xukuumadda Federaalka ama xubin ka tirsan Xukuumadda ay kaalin ku yeelato magacaabista xubnaha guddiyada doorashada ee kuraasta Somaliland.

    Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa – iyaga oo ilaaliyo nidaamka metelaadda siyaasadeed ee Dalka, isu-dheellitirnaanta iyo madaxbannaanida guddiyada doorashada – ay cadaynayaan, in si la mid ah sidii lagu maareeyey magacaabista xubnaha guddiyada doorashada kuraasta Somaliland 2016, in waqtigan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi hadana ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya Dalka isla markaasna ka soo jeeda Gobollada Waqooyi uu sharciyad buuxda u haysto in uu magacaabo xubnaha gobolladaasi ku metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal.

    Waxaan sidoo kale cadeyneynaa in aan aqoonsanahay oo kaliya xubnaha uu Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo magacaabo maareynta doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Si la mid ah, waxaan cadeyneynaa hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in aynaan marnaba aqbali doonin in aan qeyb ka noqono hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada, kuraasta iyo ku shubashada doorashada 2020/2021, waxaana ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada in inta ay goori goor tahay si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka, xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubnaha ku caan baxay taageerada madaxweynaha si loo ilaaliyo madaxbannaanida guddiyada iyo dibu sixida xadgudubyada awoodeed ee la xiriira magacaabista xubnaha doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

    Ugu dambeyntii, hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2021, waxaan si mas’uuliyadi ku jirto uga sii digeynaa qalqal siyaasadeed iyo mid amni oo ku yimaada heshiiskii siyasadeedkii ee Nidaamka Doorashada Dadban iyo dibu-dhac ku yimaado qabsoomidii doorashada guud ee 2020/2021, hadii ay taasi dhacdana waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya oo keliya madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhamaanayo Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” oo isagu si ula kac ah u abuuray firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.


    Tixda Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya

    1. Madaxweynihii 7aad, Mudane Shariif Sheekh Axmad
    2. Madaxweynihii 8aad, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
    3. Ra’iisal Wasaare Hore, Mudane Xasan Cali Kheyre
    4. Madaxweyne Hore ee DGKG, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan
    5. Madaxweyne Hore ee DG Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed
    6. Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)
    7. Xil. Cabdulqaadir Cosoble Cali
    8. Danjire Dahir Maxamuud Geele
    9. Wasiir Hore, Mudane Cabdraxmaan Cabdishakuur
    10. Mudane Cabdinasir Cabdulle Maxamed
    11. Xil. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
    12. Mudane Maxamed Cabdiraxman Cali (Siiriin)
    Doorashada Doorashada 2020/2021 Guddiga Doorashada Musharixiinta madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTrump oo laga cabsi qabo inuu Amro Weerarro lagu qaado dalal ay Iiraan ka mid tahay inta ka harsan xilkiisa
    Next Article Muxuu Madaxweynaha Kenya u doonayaa in fiisaha loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliya..? (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo