Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»“12 Saac kaliya ayay Al-Shabab kula wareegayaan Muqdisho haddii ay Amisom ka baxdo dalka” Warbixin xasaasi ah

    “12 Saac kaliya ayay Al-Shabab kula wareegayaan Muqdisho haddii ay Amisom ka baxdo dalka” Warbixin xasaasi ah

    January 18, 2021Updated:January 24, 20217 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weriye ka tirsan BBC World oo lagu magacaabo Andrew Harding warbixin uu ka qoray xaaladda Soomaaliya ku faahfaahiyey xaaladda siyaasadeed iy amni ee Soomaaliya xilligan mareyso, isagoo wareysi la yeeshay dhinacyo kala duwan.

    Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay in aragtida sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya, kaasoo sheegay in Alshabaab ay 12 saac gudahood kula wareegi karaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale haddii ay dalka ka baxdo AMISOM.

    Warbixinta ayaa ku bilaabatay sida soo socota:

    Xiisadda Soomaaliya ayaa aad u sarreysa. Hannaanka siyaasadeed ee dabacsan ee dalka wuxuu la daalaa dhacayaa doorasho si adag loogu tartamayo, Mareykankana wuxuu la baxay ciidamadiisa, waxaana sidoo kale jira walaaca isa soo tarayo oo ku aaddan kooxaha Islaamiga ah ee sida aadka ah u hubeysan. 

    Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah ayaa ka digaya in – dalkan oo muddo soddon sano ku jiray xaalado jahwareer leh – uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska dalkan burburay uu haatan khatar ku jiro.

    “Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli muhiim ah,” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swann, ayaa sidaas BBC-da u sheegay, isagoo ka digay in dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaranka iyo kuwa gobollada – ee ku doodaya dib u dhaca doorashada iyo hannaanka doorashada baarlamaaniga ah ee la barxay – uu horseedi karo rabshado.

    Koox isugu jirta ururro iyo dalal – ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika – ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si qasab ah ugu borrinayaan hoggaamiyeyaasha Soonmaaliya in ay galaan wada xaajood. “Isticmaalka nooc walba oo rabshad ah lama aqbalayo,” ayay yiraahdeen.

    Soomaaliya waxaa sannadkii hore lagu waday in ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee “hal qof iyo hal cod” – taas oo horumar weyn u ahaan lahayd dal ay ragaadiyeen dagaallo.

    Balse xisbiyada mucaaradka ee uu qabiilku hareeyay ayaa ka soo horjeestay hannaanka iyagoo walaac ka qaba in ay dhacdo ku shubasho.

    Andrew Harding -weriye BBC

    Heshiis dhexdhexaadin ah oo laga fiirsaday ayaa hadda ku dhow inuu burburo, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayayna dadka qaar ku eedeeyeen inuu doonayo in wuxuu isagu rabo ku qasbo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.

    “Musiibo ayay noqon doontaa haddii aan si hagaagsan loola jaanqaadin doorashooyinkan. Qof walba wuu ogyahay in dimuqraaddiyaddeenna ay liicday, waxaana dooneynaa inan hagaajinno,” ayuu yiri la taliyihii hore ee ammaanka qaranka ee Farmaajo, Xuseen Sheekh Cali.

    Waxa sii dhabqinaya xaaladda cakiran ee caasimadda, Muqdisho – oo ah magaalo ay mar burburiyeen qabqableyaal beeleed – waa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan kooxda al-Shabaab.

    Kooxdan Islaamiga ah ayaa magaalada ka baxay, inta badan magaalooyinka kalena waxaa ka bixiyay Midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya, balse waxay ku xooggan tahay qeybo ka tirsan dalka.

    Waxay sidoo kale bilowday inay si dadban uga howlgasho gudaha Muqdisho, halkaas oo ururka uu ka qaado canshuuro, wuxuuna handadaad ku hayaa ganacsato badan. Waxay sidoo kale maamulaan maxkamado shareecada ku dhaqma. 

    Al-Shabaab waxaa kale oo ay fuliyaan weeraro dilal ah oo bartilmaameedsan, isla markaana weerarro is maadaamin ah oo la soo abaabulay ku qaaddo hoteello iyo xafiisyada dowladda.

    “Qof walba waxaa canshuur ka qaado al-Shabab, si toos ah ama si dadban, oo uu ku jiro madaxweynaha – cuntada uu cuno [iyaga] ayaa canshuura,” ayuu yiri la taliyihii hore ee Farmaajo ee dhanka amniga. 

    “Way sii xoogeysanayeen afartii sano ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa dhayalsada al-Shabab, waxayna sheegaan in ay noqonayaan sida maafiyada oo kale. Balse waa urur aad isugu toosan lehna hiigsi ay ku qabsadaan dalkan.”

    Shan iyo toban qof ayaa bishii August la dilay markii ay al-Shabab weerareen hoteel caan ah oo xeebta dhinaceeda ku yaalla, Elite, ee magaalada Muqdisho. Milkiilaha ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in hoteelka loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira inuu diiday inuu lacag siiyo kooxda.

    “Waa sida madax furasho. Way ogaayeen inaynaan wax lacag ah siineyn Shabaab,” ayuu yir Cabdullaahi Nuur, oo si degdeg ah u dayac tiray dhismaha oo hadda furan. 

    “Xitaa wixii dhacay kaddib, waxaan diyaar u nahay inaan diidno Al-shabaab kana difaacno nafteenna,” ayuu yiri.

    Balse Nuur, sida dad badan oo macaamiisha ka mid ah iyo qoysas kale oo galabkii ku raaxeysanaya xeebta Liido, wuxuu walaac weyn ka muujiyay arrinta soo cusboonaatay – ee ah qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka ee laga saarayo Soomaaliya, iyadoo amarka uu bixiyay Madaxweyne Donald Trump. 

    “Aad ayay inoo dhibeysaa,” ayuu yiri milkiilaha hoteelka. “Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka.”

    Diblomaasiyiinta Reer-galbeedka ee ku sugan Muqdisho ayaa dhayalsanaya go’aankii lama filaanka ahaa ee Aqalka Cad uu qaar ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uga saaray Soomaaliya. Waxaa loo maleynayaa in illaa 700 oo ciidamo Mareykan ah ay joogaan dalka. 

    Ben Fender- safiirka UK

    “Waxay ku tilmaameen in uusan ahayd isbeddel siyaasadeed balse uu yahay mid muujin awoodeed ah. Waxaan u maleynayaa in Ameerikaanku ay ka go’an tahay in ay muddo dheer Soomaaliya ka caawiyaan ammaanka,” ayuu yiri safiirka Britain, Ben Folder.

    Balse safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid ay ka faa’iidayaan al-Shabab”.

    “Haddii kale intan way ka sii awood badnaan lahaayeen. Waxay tani saameyn khatar ah ku yeelan kartaa dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya. [Danab] waxay u nuglaan karaan in sida qalab siyaasadeed ay u deegsadaan xoogagga mucaaradka isku ah ee dalka ku sugan,” ayuu hadalka ku daray.

    Xiisadahaas ka dhex taagan Soomaaliya waxaa dabka u sii hurinaya isla markaana faragelin ku haya dalal kale oo ku yaalla gobol aysan xaaladdiisu hagaagsaneyn, xasilooni darrada ku sii baaheyso ee ka jirta Itoobiya, Khaliijka iyo meelo kale, iyo shan ciidan oo dalal Afrikaan ah ka socda iyo la taliyeyaal militari oo dalal kale oo badan ka socda, kuwaas oo faraha kula jira dagaallada gudaha Soomaaliya.

    Horumar ballaaran oo ka socda Soomaaliya

    “Dhibaatadu waa in dagaallada Soomaaliya aan gibi ahaanba la wada xallin. Waxaa jiro aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nooca dal ee ay Soomaaliya noqon lahayd. Kala duwanaanshaha ka dhex jira Soomaaliya ayaa ka sii daray oo sii ballaartay, mararka qaarna waxaa sidaas sameynaya kuwa caalami ah oo howlgallo noocaas ah sameeya,” ayuu yiri safiir Fender. 

    Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay ay horumar ballaaran ka sameysay dhinacyo badan.

    Dalka ayaa hagaajiyay dhanka canshuur ururinta, dhalinyarada Soomaaliyeed iyo xubnaha qurba joogta ayaana ka shaqeeyay arrimaha rayidka. Muqdisho qudheeda si degdeg ah ayay isku beddeleysaa, siyaasiyiinta ayaana xaaladda haatan ka soo kaban kara oo doorasho kale qaban kara sannadkan, waxay ka dhignaan doontaa in dalku uu awooday xil wareejintii saddexaad oo si nabad ah ku dhacda, wax ka yar toban sano.

    Blase iyadoo horumarkaas uu si weyn ugu tiirsan yahay ciidamada Midowga Afrika, Amisom, waxay ka kooban tahay 20,000 oo ciidamo Afrikaan ah, taas oo ilaalisa dowladda, muddo sanado ahna hoggaanka u heysay la dagaallanka al-Shabab.

    Dadka cambaareeya howlgalka ayaa sheegaya in ay la qabsadeen arrimaha dalka oo aysan wax badan ka qaban cirribtirka kooxda.

    Balse sarkaal sare oo Amisom ka tirsan ayaa aaminsan in ay guul darreysteen isku dayada lagu dhisayo ciidan qaranka Soomaaliya kuwaas oo taageera ololahooda ka dhanka ah al-Shabab.

    Difaacii ugu dambeeyay

    “Ma qabsan shaqadeenna. Waa xaqiiq,” ayuu yiri Xuseen Sh. Cali oo ka hadlayay dadaallada lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed. “Balse Amisom wax weyn ma qabanin.” 

    Toban sano kahor, markii al-Shabab ay gacanta ku hayeen in ka badan kala bar Muqdisho, waxaa aad loo aaminsanaa in kooxdu ay saacad gudaheed ku qabsan doonaan caasimadda haddii ay Amisom la baxdo ciidamadeeda.

    Maanta, sida uu aaminsan yahay sarkaal sare oo militariga ka tirsan oo magaciisa qariyay, waxay hadda ku qaadan kartaa “keliya 12 saacadood” in al-Shabab ay la wareegaan Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka kale haddii ay Amisom ka baxdo dalka.

    Alshabab AMISOM Andrew Harding BBC Somalia Warbixin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif oo magaca Musharixiinta Mucaaradka ku bixiyey Ballanqaad Arrin cabsi weyn laga qabay
    Next Article C/kariin Guuleed: “Dhallinyarada laga Dagaal geliyey Itoobiya waa Qiyaano Qaran, haddii ay…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo