Shir looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galayaan wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka iyo wasaaradaha maaliyadda maamul goboleedyada dalka.
Wasiirka maaliyadda dowlada Federaalka Maxamed Aden Fargeti ayaa lagu wadaa inuu furo shirka oo ay Muqdisho u yimaadeen xubno ka socda maamul goboleedyada dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Axmed Yaasiin ayaa shalay soo gaaray magalada Muqdisho si uu shirkaasi uga qeyb galo, waxaa kaloo muqdisho yimid wasiirada maaliyadda Koonfur Galbeed, Galmudug iyo wakiil ka socda Jubbaland.
Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka maaliyadda dowladda federaalka iyo wasiirada maaliyadda maamulada dalka ay magaalada Nairobi ku saxiixeen heshiis dhaqaale lagu bixiyo mushaarka shaqaalaha maamulada iyo dowladda federaalka lagu bixinayo iyadoo ay dhaqaalaha ku deeqday midowga Yurub oo marinaya Bankiga adduunka.
Wadani.com