Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Golaha Wasiirada oo go’aamiyay in dib loo furo safaarado ay dhaqaale darro u xirtay xukuumadii C/weli Sheekh

    Golaha Wasiirada oo go’aamiyay in dib loo furo safaarado ay dhaqaale darro u xirtay xukuumadii C/weli Sheekh

    November 19, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Cumar Carte ayuu Goluhu isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee July 2014 Golahihii Wasiiradii ee Xukuumadii hore isku raaceen in la xiro arrimo dhaqaale awgood.

    Lama oga in safaaradaha xukuumadii C/weli Sheekh ay u aragtay inaysan muhiim ahayn isla markaana aan dhaqaale loo heynin sida hadda loogu helay dhaqaale lagu wado iyo muhiimada ay xilligan u yeesheen dowladda Soomaaliya, waxaase muddooyinkiii dambe xowli ku socday magacaabidda safiiro fara badan oo dalal badan loo magacaabay.

    Shirka Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixino looga dhageystay Guddigii loo diray inay soo kormeeraan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo warar soo baxayay ay sheegayeen in isbedel lagu sameeyey Xadka u dhaxeeya labada dal.

    Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo horkacayay wafdigii dowladdu u dirtay inay soo kormeeraan Xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya ayaa u sheegay in Golaha in aysan arkin wax calaamado ah oo muujinaya amaba tilmaamaya in isbedel lagu sameeyey xuduudda dalku la wadaago Kenya, marka laga reebo god laga qoday meel u dhow caalamadda xuduudda oo xigta dhinaca Kenya.

    Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen dhacdadii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen dadka shacabka ah, waxayna cambaareeyeen falkaas, iyaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday eheladoodda halkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah.

    Dhanka kale, Golaha Wasiiradda ayaa dood dheer kadib isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey , iyadoo Goluhu sheegay in safaaradaha xiran baahi weyn ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee dalalkaasi dagan.

    “Goluhu wuxuu ka noqday go’aankii ay gaartay Xukuumaddu 26kii bishii Luuliyo 2014 oo dhigayay in la dhimo safaaradaha dalkeenu ku leeyahay Caalamka. Hadaba, markii aan aragnay baahi badan oo dadkeenu u qabaan xirnaanshaha safaaradda waxaan isla garanay in sharcigaas dib u eegis lagu sameeyo isla markaana la furo safaaradihii xirnaa” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Mudane Maxmaed Cumar Carte.

    Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ugu danbeyn waxaa warbixinno looga dhegeystay Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaggaa oo kormeer shaqo ku tagey Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa laga dhegeystay xaaladaha la xiriira fataahadda wabiga iyo roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaanada qaar kuwaas oo dhibaatooyin geystay.

    unnamed (1)

    unnamed

    Wadani.com

    C/weli Sheekh Golaha wasiirada Safaarado xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/kariin Guuleed oo shaaciyay balanqaadyo uu ka soo helay dowladda Itoobiya
    Next Article Somali President says al-Qaida, IS are same ‘evil’

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo