Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa xaaladii ugu xumeys ku heysataa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii uu lugaha la galay kiiska fal dil ah oo magaaldaasi ka dhacay, laguna dilay sarkaal u shaqeynayay hay;ada miina-baarista ee Q/Midoobay Un Mine Action Mahdi Xuseen Sheekhaal oo si weyn looga yaqiin gobolkaasi.
Beesha uu kas oo jeedo sarkaalka la dilay ayaa maleeshiyo soo dhoobtay magaalada Beledweyne iyagoo dalbaday in guddoomiyaha Gobolka maxkamad la soo taago, iyagoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa amarna ku bixiyay dilka Mahdi, taasoo keentay xiisad culus oo magaalada ka dhalatay.
Guddoomiye C/fataax Xasan Afrax ayaa ku sugnaa ilaa xilligaasi xarunta AMISOM ee magaalada, waxaana beesha Mahdi Xuseen loo sheegay in Guddoomiyaha lagu haynayo halkaasi, balse markii uu ka baxay xerada AMISOM gudahana u galay magaalada ayaa xaaladii kasii dartay waxayna mar kale maleeshiyadii xiratay wadooyinka bartamaha magaalada.
Fasaxa guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheega inuu amar ku bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh, waana tan maanta magaalada Beledweyne gelisay xiisad colaadeed oo labada maleeshiyo beeleed lagu kala dhex jiro.
Guddoomiye C/fataax ayaa ku jira xaalad adag isagoo ku eedeysan fal dil ah, isla markaana jufo ka mida beesha uu ka soo jeedo ay dooneyso in xilka laga qaado lan maxkamadeeyo oo aanay jirin wax kale oo ay ku qancayaan.
Wadani.com