Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ayaa ku dagalamay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay isku qabteen qaadka magaaladaasi la geeyo.
Ciidamadan ayaa rasaas isku weydaarsaday gudaha magaalada Jowhar, iyadoo wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan inay dagaalkaasi uu dhaliyay qasaare qof ku dhintay iyo dhaawac.
Ciidamadan oo ah kuwa ku sugan magaalada ee milateriga Soomaaliya ayaa isku dhacooda salka ku hayaa Qaadka la geeyo oo kharashaad laga qaado, waxaana afhayeenka maamulka gobolka uu sheegay in xaalada isku dhaca ciidamada la xaliyay oo ciidankiina la kala qaaday.
Waa markii ugu horeysay ee magaalada Jowhar ay isku fara saaraan ciidamada halkaasi ku sugan iyadoo ciidamada dowladda ay caadiyaan si joogto ah isugu dhacaan qaabkooda maleeshiyo iyo asluub xumo awgeed.
Wadani.com