Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug iyadoo Puntland ku eedeeyay inay dagaalka soo qaaday.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ay soo qaadeen Ciidamada Maamulka Puntland sida uu yiri, isla markaana lagu jebiyay ayna gacanta ku hayaan Labo Askari oo Dhaawac ah oo ay ka qabteen cidiamada Puntland.
Wararkii ugu danbeeyay ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaastah goosgoos ah ka dhaceyso aagga dagaalka ee labada ciidan ay isku hor fadhiyaan ee Koontoroolka xaafadda Cagar weyne ee Magaalada Gaalkacyo.
Ilaa hadda waxaa la sheegay in ku dhowaad 8 ruux ku dhinteen, dhaawacuna ka badan yahay dagaalkii saaka ka dhacay Gaalkacyo, waxaana soo baxaya baaqyo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo.
Wadani.com