Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in maamulada Puntland iyo Galmudug in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda u dhaxeysa, waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xuntay colaaddaasi, isla markaana ugu baaqday dhinacyadaasi in ay u turaan dadka maatida ah ee deegaanka ku dhaqan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug dowladdu u jeedineyso inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka, wax walbana lagu dhameeyo qaab siyaasadeed oo aan ka gudbeyn sharciga dalka u yaalla.
Wasiirka Arrimaha Gudaha isaga oo ku hadlaya magaca guud ahaan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo ku adkeeyey in ay u hoggaansamaan baaqa nabadda.
Wadani.com