Qasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sii kordhay iyadoo isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo oo kaliya la dhigay 43 qof oo dhaawac ah, dhinaca kale, waxaa jira dhaawacyo kale oo dhinaca Koonfurta la gaaray, waxaana tirada dhimashada ay ku dhowdahay 10 ruux iyadoo ay jiraan dad guryahooda ku dhintay markii ay rasaas ugu tagtay.
Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Cabdicasiis Jaamac Nugaal oo u hadlay Puntland ayaa sheegay dagaalka inay soo qaadeen koox hubaysan oo kasoo jeeda Galmudug, wuxuuna cadeeyay dagaalka inuu sababay naf iyo maal dhanka Galmudugna laga soo tuurayay madaafiic dad badani ku waxyeeloobeen.
Xaalada ayaa hadda u muuqata mid degan waxaana dhaawacyadda dagaalkaasi lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magalada Gaalkacyo. Jaamac Nugaal waxa uu sheegay ciidanka dowladdu inay fagooyeen kooxdii dagaalka soo qaaday ayna sii wadi doonaan howsha ay ka wadeen xaafada Garsoon oo ah dhismaha waddada oo la gaarsiin doono meeshii loogu talo galay.
Dhinaca Galmudug ayaa dagaalka ku eedeysay inay soo qaaday Puntland, sida uu sheegay wasiirka amniga ee Galmudug, waxaana colaada Gaalkacyo ee maanta ay muujisay xaalada liidata ee ammaanka degaankaasi ku jiro.
Wadani.com