Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XUSUUS: Taariikhda Safiirkii Soomaaliya ee Masar C/llaahi Xasan Maxamuud (Video)

    XUSUUS: Taariikhda Safiirkii Soomaaliya ee Masar C/llaahi Xasan Maxamuud (Video)

    November 22, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa saaka barqadii magaalada Qaahira ee dalka Masar ku geeriyooday Allaha u naxariistee Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee dalka Masar iyo wakiilkii joogtada ahaa ee Soomaaliya u fadhiyay Jaamacadda Carabta oo ku dhowaad 20 sano uu hayay xilkaasi.

    Geerida Safiirka waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacab fara badan, waxaana lagu tilmaamay mid ka mida tiirarkii diblomaasiyadda Soomaaliya.

    HADDABA HOOS KA AKHRI XUSUUSTA TAARIIKHDA SAFIIRKA

    Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu sannadkii 1943-kii ku dhashay Deegaanka Iimeey ee dhulka Soomaalida Ethiopia, wuxuuna  howlaha diblomaasiyadda ku soo biiray sanadkii 1987,xilligaasi oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Algeria .

    Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta , xilkaasi oo uu hayay tan iyo maanta .

    Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

    Sanadkii 1996 ,dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

    Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

    Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa kahor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

    Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

    Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka ,Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii .

    Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu  ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah

    Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali, Wasiir kuxigeen-ka H.E. Ahmed Ali Mohamed (Kadiye),Xoghayaha joogtada Mr. Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirada,Qunsulada guud ,Diblomaasiyiinta, La-taliyeyaasha Wasaaradda iyo Dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo maanta oo ah Axad, November 22 , 2015 ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

    Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

    Xigasho: Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Dibada

    DAAWO WAREYSI SNTV LA YEESHAY SAFIIRKA 2014

    Wadani.com

    Qaahira Safiir Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax xoog leh oo magaalada Muqdisho lala beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM
    Next Article Alshabaab weerar gaadmo ah ku khaarijisay sarkaal ka tirsanaa oo taageeray Daacish

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo