Kooxda cusub ee ku biritay Daacish, kana mid ahaan jirtay ururka Al-shabaab ee fadhigoodu yahay Buuralayda Galgala ayaa weerarkoodii ugu horeeyay tan iyo intii ay shaaciyeen inay ku biireen Daacish ku qaaday fariisan ay lahaayeen ciidamada Puntland ee halkaasi ku sugan.
Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dhex maray labada dhinac sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Puntland ee Galgala. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan cusub, waxaana kooxda Al-shabaab ee Daacish ku biirtay ay baahiyeen inay guulo ay gaareen dagaalka,
Ciidamada Puntland ayaan wax war kasoo bixin oo dhaafsiisan inay inay dib ugu celiyeen weerarkii lagu soo qaaday.
Ururka Al-shabaab garabkiisa ku sugnaa Buuralayda Galgala ayaa horay u caddeeyay inay ku biireen Kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq , waana markii ugu horeysay ee ay howgal dagaal fuliyaan.
Wadani.com