Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa dib ugu laabanaya gobollada dhexe isagoo markan tegaya magaalada Gaalkacyo oo dagaalo ku dhex mareen ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ra’iisal wasaaraha ayaa dhowaan tegay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe isagoo kulamo la yeeshay madaxweynayaasha labada maamul ee C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/weli Gaas oo waanwaan uu ka dhex bilaabay, waxaana hadda magaalada Gaalkacyo ku sugan wafdigii ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha uu mar kale ka dalbaday C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed inay yimaadaan magaalada Gaalkacyo si waanwaanta ay uga qeyb qaataan, arrintaas oo uu ka caga jiidayo madaxweynaha Puntland.
Wadani.com