Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay magaalada Gaalkacyo iyagoo ku biiray wafdi ka socday dowlada Federaalka oo halkaas shalay tegay.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa ka qeyb qaadanaya dadaal nabadeed oo laga dhex wado labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo, waxaaana la filayaa in waanwaan iyo xabad joojin la dhex dhigo labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdaan xildhibaano ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa shirar uga bilowdeen magaalada Gaalkacyo, iyadoo wafdiga Ra’iisal wasaaraha warbixin ka dhageysanayo marka hore xubnaha uu horkacayay wasiirka arrimaha gudaha oo maanta Konfurta Gaalkacyo kula soo kulmay madaxda maamulka Galmudug.
Wadani.com