Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa socdaalkii madaxweynaha Jubbaland ee ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo u wareejiyay xarunta maamulkiisa ee Garowe kadib markii uu xilliyadii ugu danbeeyay soo farageliyay socdaalka Axmed Madoobe oo ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo.
Axmed Madoobe oo saxaafadda kula hadlay intii aanu ka dhoofin magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu ku sii jeedo Gaalkacyo, balse waxaa arrintaasi wareejiyay C/weli Gaas oo la sheegay inuu diidan yahay inuu tago Gaalkacyo isla markaana uu hor fariisto madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.
Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ay ka codsatay inuu arrinta nabadeynta Gaalkacyo kala qeyb qaato, isla markaana culeys ku saaro saaxiibkiisa C/weli Gaas inuu nabadda aqbalo ayaa iminka waxaa hor yaala inuu la safto C/weli Gaas iyo inuu tago Gaalkacyo oo ku biiro Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan.
Wararka xog ogaalka ah ayaa sheegaya in C/weli Gaas soo jeediyay guddiyo labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland inay arrinta xalinta dagaalka ka qeyb qaataan oo aan isaga loo baahneyn.
Wadani.com