Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeyso dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna arrintan ka sheegay magaalada Garowe isagoo halkaasi ku doo dhoweeyay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo safarkiisii Gaalkacyo u wareejiyay Garowe si uu uga joojiyo inuu tago Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay in dagaalkan meelo kale laga soo abaabulay, “Dowladda Federaalka iyadaa sharci darro ku abuurtay Galmdudug, iyadaa sharci darro ku hubeysay Galmudug, iyadaa haddana sharci darro ku taageereysa dhibaatada ay wado… Wax la qarinayo ma aha in si cad ay dagaalka uga qeyb galeen ciidamadoo ay dowladda Federaalka tababartay, hubeysay, hubkeedii iyo ciidamadii weeye waxa dagaalka ku jira, dowladda Federaalka dhexdhexaad kama aha waxa ka dhacaya Gaalkacyo, mas’uuliyadeeda waxaa qaadanaysa iyada iyo cidii kale ee la wadaagta” ayuu yiri C/weli Gaas oo sheega in diyaarada Xamar kasoo kacda ee Cadaado fariisata la ogayahay waxa ay wado.
DHAGEYSI CODKA C/WELI GAAS