Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa caawa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kadib markii uu ugu yeeray inuu halkaasi yimaado Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo isaga iyo wafdi la socday ay iyaguna gaareen Gaalkacyo galabta.
C/kariin Guuleed ayaa Gaalkacyo kula kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa wafdiga Ra’iisal wasaaraha, iyagoo ka wadahadlay xaaladaa magaalada Gaakacyo iyo waanwaanta ay wadaan madaxda xukuumadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in shaqaaqadii ka dhacday Gaalkacyo wadahadal lagu dhameeyo, talaabada ugu horeysa ee la qaadayana ay noqoto xabad joojin iyo ciidamada la kala qaado, kadibna ay noqoto in la qaato nabadda shuruud la’aan.
Wafdiga ayuu sheegay inuu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha ayna ku jiraan xildhibaano badan, “Go’aanka Ra’iisal wasaaraha iyo go’aankeena waan inaan ka tegin Gaalkacyo ilaa ay nabad ka dhacdo oo ciidamada la kala qaado” Ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in madaxda labada maamul ay ugu baaqayaan inay nabada kala shaqeeyaan.
Waxaa kaloo kulanka ka hadashay Xildhibaan Ubax Tahliil oo sheegtay in nabadda Gaalkacyo shaqo weyn laga hayo oo wixii dadka kala gaaray la xalin doono, dadaal weyna loogu jiro sidii loo dhameyn lahaa colaada ka dhex dhacday dadka walaalaha ah.
Wadani.com