Ciidamo taabacsan gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fXasan Afaraxayaa maanta xirtay wadada weyn ee bartamaha magaalada, iyadoo la sheegay inay careysnaayeen kana gadoodeen xaalada uu ku sugan yahay Guddoomiyahooda oo Muqdisho loogu soo qaaday baaritaanka dilkii loo geystay Mahdi Xuseen Sheekhaalod oo ahaa sarkaalkii u shaqeynayay Hay’ada Mine Action.
Ciidamadan wadada xirtay ayaa dalbaday in magaalada Beledweyne lagu soo cwliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan si uu shaqadiisa u wato, waxayna ku hanjabeen ilaa uu magaalada ka imaanayo guddoomiyaha inay xiran tahay wadada weyn ee Beledweyne.
Dadaal ay sameeyeen odayasaha dhaqanka Beledweyne ayaa ku qanciyay ciidamada inay furaan jidkaasi iyadoo markii dambe ay ku guuleysteen inay qanciyaan ciidamada oo dib loo furo wadada.
Xaalada magaalada ayaa degan iyadoo laga war sugayo waxa uu ku dhammaan doono kiiska guddoomiyaha Gobolka Hiiraan loo heysto oo sidoo kale ay u xiran yihiin 9 askari oo ka mida ilaalada C/fataax Xasan Afrax.
Wadani.com