Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysey ka hadlay dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo isagoo sheegay in arrintaasi ka mid tahay nasiib darrada mararka qaarkood dhacda oo laga shaqeynayo sidii aanay mar kale u soo laaban dhibaatadaas oo kale.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Radio Daljir oo ka dhisan degaanada Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dagaalka ka dhacay Gaalkacyo isagoo sheegay Dowladda Federalka iisu muhimad siisay xalinta dagaalkan, tusaalena ay u tahay in ay goobta ku sugan yihiin madaxdii dalka u saraysey iyo dowlad goboleedyada madaxdooda oo uu sheegay inay ka codsadeen inay ka qeyb galaan waanwaanta.
Dowladdu afar qodob ayey meesha la tagtey waana la wada oggolaadey wixii ka danbeeya waa in laga wada shaqeeyo horumarka ayuu yiri Xasan Shiikh.
DHAGEYSO CODKA XASAN SHEEKH
Wadani.com