Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay socoto qabanqaabada xaflada weyn ee maanta lagu saxiixayo heshiiska magaalada Gaalkacyo ee ay soo diyaarisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayna aqbaleen maamulada Puntland iyo Galmudug.
Heshiiska oo ka kooban afar qodob ayaa si kala gaar ah looga saxiixay madaxweynayaasha labada maamul ee C/weli Gaas iyo C/kariin Guuled, waxaana xaflada guud ee lagu saxiixayo heshiiska ay ka dhaceysaa garoonka magaalada Gaalkacyo ee loogu magac daray C/llaahi Yuusuf.
Heshiiskan oo la filayo in lagu soo afjaro dagaaladii bishan ka dhacay magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaan wax badan ka sheegeynin sida magaaladaasi loogu wada noolaan lahaa, waxaana fulinta heshiiska goobjoog ka noqonaya wakiilada Beesha caalamka oo hadda ku wada sugan magaalda Gaalkacyo.
Dowladda Federaalka oo heshiiskan kasoo shaqeysay ayaa dhinaca Puntland ugu eedeysan inay ka qeyb qaadatay dagaalka eedaas oo aanay jirin cid la wadaagta Puntland.
Dhinaca kale madaxweyne C/weli Gaas ayaa ku qasbnaaday inuu mar kale heshiis la saxiixo oo hor fariisto madaxweynaha C/kariin Guuleed, taasoo ahayd arrintii ugu weyneyd ee uu diidanaa.
Wadani.com