Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa ka hadlay doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2016, isagoo sheegay in doorashadu loo baahan yahay inay ka duwaanaato kuwii ka horeeyay.
Farmaajo ayaa soo jeediyay in la tixgaliyo Aragtida shacabka isla markaana fursad loo siiyo inay xushaan qofka hogaaminaya wuxuuna xusay in doorashadu aysan noqon doorashadii 2012kii oo kale oo odayaasha dhaqanku ay soo qoreen Xildhibaanada, doorashuna ahay mid baarlamaankaasi uu doortayn Madaxweynaha.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in qeybaha kala duwan ee Bulshada looga fadhiyo iney aragtidooda ka dhiibtaan sida ay noqoneyso doorashada 2016 ee aan lagu koobin aragtida maamulada dalka ka jira.
Madasha Qaran ayaa kulamo lagu qabtay magaalooyinka dalka waxaa ka soo baxay natiijooyin is khilaafsan oo maamuladu soo jeediyeen 4.5 iyo qaab degaan in lagu saleeyo doorashada 2o16.
Wadani.com