Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaal goosgoos ah iyo rasaas ay ka dhacday magaalada saaka xilli la filayay in la bilaabo fulinta heshiiska ay labada dhinac shalay kala saxiixdeeen.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay degaanka Cagaarweyne oo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan, waxaana is qabsaday rasaas la is weydaarsanayo oo ay ka dambeysay hoobiyeyaal keenay inay istaagto shaqadii guddiga labada dhinac oo doonayay inuu isaga goosho labada dhinac.
Xaalada dagaal ee soo cusboonaatay ayaan la ogeyn waxa sababay, waxaase magaalada weli ku sugan wafdigii dowladda Federaalka oo doonaya inay xaalada dejiyaan si loo bilaabo fulinta heshiiska, waxaase muuqata inay jirto mas’uuliyiin aan dooneyn inuu fulo heshiiska.
Wadani.com