Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa ka hadlay dagaalka dib uga qarxat magaalada Gaalkacyo isagoo ku eedeeyay inay soo qaadeen dhinaca Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay inay subaxnimaddii saakay u tageen garoonka diyaaradaha sidii ciidanka loo kal qaadi lahaa, iyada oo la fulinaayo heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada oo ay saxiixeen madaxda labada maamul iyo wakiilada beesha caalamka.”Saraakiishii oo dhan ayaa meesha tegey markii la damcay in la dhaqaaqo waxaa dhacdey nasiib darro in Galmudug noqotey bahal ceeriin madaayo oo ay dagaal qaawan nagu soo qaadeen” ayuu yiri Wasiir Soocade.
Wasiirka wuxuu tusay saxaafadda guryo Madaafiic ku habsadeen isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin falalkaasi. Soocadde ayaa sheegay in Galmudug aysan raali ka ahayn heshiiskii dhalay dhacay, waxaana uu ku goodiyey in ay shacabklooda difaacayaan.
Dhanka kale ayuu sheegay in nabadgelyaddii ay shalay oggolaadeen ay sideedi tahay oo aysan ka bixin laakiin aysan cidna uga daba fariisaneyn difaaca shacabka.
Puntland ayaa lagu eedeynayaa inaysan raali ka ahayn heshiiska ay saxiixday iyadoo ay taasina ka muuqatay khudbadii uu jeediyay madaxweyne C/weli Maxamed Cali (Gaas).
Wadani.com