Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho iyo telefishanka SNTV ayaa goor dhoweyd dhaawac culus kasoo gaaray qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad Somalia ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho oo ay dhigeyneysay.
Qaraxa uu waxyeelo culus oo lugaha ah ka soo gaaray iyada keligiid oo gaariga saarneyd, Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ka mid ahaa gabdhaha wariyeyaasha ee ka howl gala Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ee SNTV, waxaana hore kooxda Alshabaab ay qarax ugu dileen weriye Liibaan Cali Nuur oo ahaa saygeeda.
Xaaladda Saxafiyad ayaa la sheegay inay tahay mid culus iyadoo dhaqaatiirtu la tacaalayaan iminka.
Wadani.com