Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin kul u diray Maamulada Puntland iyo Galmudug (War-saxaafadeed)

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin kul u diray Maamulada Puntland iyo Galmudug (War-saxaafadeed)

    December 3, 2015Updated:December 3, 20152 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

    “Waa nasiibdarro in la xushmeyn waayo ballanqaadkii shaley ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. Waxaan maamullada iyo madaxda Puntland iyo Galmudug xusuusinayaa in uu dhammaadey waqtigii isla xisaabtan la’aanta, dhiigga shacabka ee daadanayana cawaaqibkeeda la dhadhamin doono’’.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal dambe oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.

    Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

    “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an mar walbana ay sii wadeysaa dadaalka ku aaddan in xasaradda ka taagan Gaalkacyo nabad lagu xaliyo. Waxaan mar kale farayaa madaxda Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee hawlaha dhexdhexaadinta ku guda jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, Cabdikariim Xuseen iyo Cabdiweli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shaley lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

    Wadani.com

    Gaalkacyo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeriye Hindiya Xaaji oo u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray qarax loogu xiray Gaarigeeda
    Next Article Galmudug: “Waxay caddeyneynaa in Puntland weerar qaawan ku soo qaadeen fariisimada ciidamada Galmudug”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo