Dawlad Goboleedka Galmudug, waxay umadda Soomaaliyeed, Dowladda federaalka iyo beesha caalamkaba u caddeyneysaa in ciidamada Puntiland ay weerar qaawan ku soo qaadeen fariisimada ciidamada Galmudug ee koofurta magaalada Gaalkacyo abaarihii 11 duhurnimo ee maanta, taas oo macnaheedu yahay in Puntiland ay gabiahaanba jabisay heeshiikii shalay oo taarikhdu ahayd 2/12/2015 uu madaxweynahoodii la saxiiday madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale waxaan caddeynaynaa in Puntland ay dhabarka u ridaneyso dhammaan masuuliyadda dagaalka ka socda Gaalkacyo.
Xilliga uu warsaxaafadeedkan soo baxayo, waxaa koonfurta Gaalkacyo ku socda duqeymo ay Puntland u adeegsaneyso hubka nuucyadiisa kala duwan – Taangi, Hoobiye iyo Madaafiicda Goobta- oo ku dhacaya goobaha dadka rayidka ah ee aan waxba galbsan ay ku noolyihiin. Duullaanka Puntiland ee gardarrada ah, ma aha oo kaliya in uu xadgudub ku yahay heshiiskii xabad-joojinta ee waxa uu xadgudub ku yahay dhamaan heshiisyada Caalamiga ah ee xuquulinsaanka.
Ujeeddada laga leeyahay duullaamada soo noqnoqday ee Puntiland ay ku soo qaadeyso Galmud ayaa ah in lagu cuuryaamiyo horumarka dhan walba ah ee Galmudug ay ku tallaabsatay muddadii yareyd ee ay jirtay kuwaas oo kala ah: Baahinta maamulka, Hub ka dhigista maleeshiyaadka, Ladagaallanka argagixisada, dhismaha dekadda Hobyo iyo Dib u heshiisiintba. Sidoo kale waa tallaabo lagu majixaabiyo hiigsiga 2016-ka ee larbo in umadda Soomaaliyeed uu u horseedo nabad waarta, dawladnimo iyo dimoqoraadiyad.
Waxaa xusid mudan in Galmudug ay ahaeyd cidda marwalba xeerineysay nabadda tan iyo intii uu dagalku ka qarxay magaalada Gaalkacyo 22/11/2015. Galmudug waxay si shroud la’aan ah u aqbashay dhamaan dadaaladdii waanwaanta ahaa ee ay wadeen Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Madaxda dowlada goboleedyada, Madaxda ka socotay beesha caalamka iyo Ra’iisulwasaaraha JF Soomaaliya, halka Puntland ay cagajiidka ka aheyd oo ay isku dayaysay in ay carqaladeyso dadaallada nabadda.
Haddaba waxaan Dawladda Federaalka ah iyo Beesha caalmkaba ka codsaneynaa in ay qaataan dawrkooda ah in ay Puntiland ku tirtirsiiyaan fulinta qodobadii heshiiska ay saxiixday.
Dhamaad
Wixii Faah-faahin dheeraad ah kala xiriir:
Wasiirka Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug
Maxamuud Aadan Cusmaan
E-mail: [email protected]