Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa qaaday tallaabo kale oo ku dayasho mudan maanta gelinkii danbe kadib markii isugu yeeray madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo amar ku bixiyay inay wada tagaan jiida dagaalka ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan, halkaasina ay ku shiraan oo la isku dhaariyo in la fuliyo heshiiskii ay saxiixdeen.
Arriitan ayaa ka danbeysay dagaal si kedis uga dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux iyadoo madaafiic waaweyn lagu riday labada dhinac ee magaalada, shirka madaxda ayaa ka dhacay gaari dhexdiisa si loo fuliyo heshiiskii afar qodob ayaa waxaa labada madaxweyne ku wehliyay taliyeyaasha labada maamul goboleed.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug la isugu geeyay gaariga madaxda ee aanay xabbadu karin oo ku sugnaa Warshadii Galeyda oo aag dagaal u ah, iyadoo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland, taasoo mar kale muujisay in madaxweynaha Galmudug ay dhab ka tahayn nabadda.
Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulanka jiida dagaalka ka dhacay ku wehliyay. waxaana labada dhinac lagu tirtirsiiyay inay fuliyaan heshiiska.
Wadani.com