Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danijire Maxamed Cabdi Afey ayaa furka tuurtay isla markaana si qiiro leh uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waaqica ay ku sugan yihiin madaxda Soomaalida, wuxuuna si caadifad leh u u soo bandhigay fekerkiisa.
Maxamed Cabdi Afey ayaa ceebeeyay mas’uuliyadda Soomaalida iyo dagaalada soo noqnoqday, wuxuuna is weydiiyay waxa ay ciidamo shieesheye uga baahan yihiin haddiiba hubkii waaweyn ay iyaga isku dilayaan.
Wakiilka oo si aanu waxba la harin ugu sheegay madaxdii goobta ku sugneyd ayaa ka hadlayay xafladii heshiiska Gaalkacyo lagu saxiixay.
HOOS KA DAAWO KHUDBADA MAXAMED CABDI AFEY
Wadani.com