Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil u geysteen ganacsade caana oo ka soo jeeda Galmudug oo lagu magacaabo Daahir Akhwaan, iyadoo sidoo kale dhaawac u geystay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahil (Caloogeel).
Ganacsade Daahir Akhwaan ayaa ahaa guddoomiyaha Ganacsatada Galmudug iyo xubnaha ugu cadcad ee horseedka u ahaa nabadeynta iyo waanwaanta laga dhex wado labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, waxaana xilliga dilka loo geystay oo gaarigii uu saarnaa la weeraray ku dhex jiray howsha nabadeynta.
Falka dilka ah ayaa dhacay xilli ay ku soo laabtaygaroonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo shir uga socday labada maamul ee Galmudug iyo Puntland iyadoo lagu dhex jiro waanwaanta dagaalada Gaalkacyo. Xildhibaanka iyo nabad-doon lagu magacaabo Sheekh Yusuf ayaa la sheegay inuu dhaawacoodu fudud yahay.
Galmudug ayaa ku eedeysay dhinaca Puntland in maleeshiyo kasoo jeeda ay dilka geysteen iyagoo u baxsaday waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Shilkan ayaa imaanaya xilli waanwaanta labada dhinac ay socoto, waxaana madaxda Galmudug ay tagaan dhinaca waqooyi ee magaalada, taasoo halis gelisay naftooda.
Wadani.com