Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal aan hore loo qorsheyn saaka uga anbabaxay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika halkaaso shirweyne uga furmay dalka Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii uu codsi hore ugu diray shirka inuusan iman karin, iyadoo uu meteli lahaa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, balse codsi ka yimid qaar ka mida dalalka Afrika ayaa lagu cadaadiyay inuu shirka ka qeyb galo muhiimada uu leeyahay dartiis.
Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay qeyb ka hesho taageerada Shiinaha siinayo dalalka Afrika, iyadoo aysan hore uga mid ahayn dalalka ka faa’iideynta taageerada dhaqaale ee Shiinaha.
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa shirkaasi ay si wada jir ah waxay isula gudoomin doonaan madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo shirkaasi marti gelinaya.
Shiinaha ayaa la sheegay inuu yahay dalka ugu ballaaran ee xiriir ganacsi la leh qaaradda Afrika, lakiin hogaamiyeyaasha Afrika waxay rajeynaysaa in dalka Shiinaha uu xoogga saaro xoojinta dhaqaalaha iyadoo loo maareeyo mashaariicda dib u dhiska iyo deyn aad u badan.
Tobannaan ka mida madaxda dalalka Afrika ayaa ka qeybgala shirka xiriirka Afrika iyo Shiinaha kaas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu sii ballaariyo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Wadani.com