Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal kulul ka dhacay deegaanka Baar oo 25km dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne, kaasoo dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo weerar kedis ah soo qaaday.
Maxamed Cumar Cabdulle, oo ah abaanduullaha guutada 10-aad ee ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidankooda ay saaka soo weerareen maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaalkuna uu sidaas ku billowday. Wuxuu intaas ku darayin dagaalka oo socday in ka badan laba saacadood ay al-Shabaab kaga dileen 14 maleeshiyo, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 7 askari.
Maxamed Cumar ayaa sheegay in markii dambe ciidammo gurmad ay ka heleen deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu dagaalka ka dhacay, taasoo keentay ayuu yiri inaan dagaalka ku jabino Al-shabaab. Inta Al-shabaab oo lagala wareegay degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa si joogto ah weeraro ku qaadeen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wadani.com