Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa markii ugu horeysay ka gudbay dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo isagoo saaka tegay Koonfurta magaalada, halkaasoo ay ku wehliyeeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxdii dowladda Federaalka.
Wafdiga oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha waxay tageen Koonfurta magaaladda Gaalkacyo, iyagoo socod ku maray goobihii lagu dagaalamay jiida hore ee labada dhinac iyagoo kadibna u gudbay dhinaca koonfureed.
Waxay dhammaan xubnaha kulan ku yeesheen Hotelka Five star ee Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasna waxaa looga hadlay sidii magaalada looga dhigi lahaa goob nabdoon, kadib kala qaadistii ciidamada labada dhinac ee saaka hirgashay iyadoo lagu wado in maanta lagu soo gabagabeeyo.
Kulanka maanta ayaa ahaa mid lagu xoojinayo qodobadii lagu heshiiyay iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa, madaama ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo colaaddii Gaalkacyo. Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa dhowr maalmood ku sugnaa dhinaca waqooyi ee magaalada iyadoo la sheegay inay halis soo food saartay markii rasaas lagu riday hotel uu deganaa.
Wadani.com