Guddoomiyihii magaalada Cadan ee Koofurta Yemen Jacfar Sacad iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa ayaa lagu dilay qarax ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo jidka dhinaciisa loo dhigay xilli uu ku sii jeeday shaqadiisa.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiyaha magaalada Cadan, waxayna ku hanjabtay inay sii wadi doonto beegsiga madaxda Yeman. Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay qaar ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Cadan Jacfar Sacad oo gaariga la saarnaa, xilliga qaraxa dhacay.
Kooxda ISIS ayaa bilihii la soo dhaafay ku xoogeysanayay dalka Yemen, iyagoo qaaday weeraro qaraxyo ay la beegsatay dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta. Guddoomiyaha magaalada Cadan ayaa xiriir dhow la lahaa Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi oo muddo bilooyin ah musaafuris kaga maqnaa Yemen.
Madaxweynaha Yemen Abdirabbi Mansuur ayaa amray in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilka dauqa magaalada iyo Guddoomiyaha Cadan ee xarunta kumeelgaarka u ah dowladda ay taageeraan dalalka Khaliijka.
Goobooge.com