Nin u dhashay dalka Maraykanka madow oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Baraawe, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkan uu kasoo baxsaday dagaalka dhex maraya Al-Shabaab ee ku saleysan ka mid noqoshada kooxda Daacish ama in lagu si jiro kooxda Al-Qaacida. iyadoo sheegay inuu naftiisa lasoo baxsaday.
Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkan uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u cabsaday, oo uu soo cararay.
Ninkan oo weli aan magaciisa la sheegin, waxaa sidoo kale laga soo xigtay in dad ay saaxiibo ahaayen oo ajaaniib ahaa ay dileen maleeshiyada koxoda Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa iminka baaritaan ku haya ninkan, waxaana lagu wadaa in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo ay ka howlgalaan sirdoonka Mareykanka.
Wadani.com