Nin Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda oo ku biiray Alshabaab, kaasoo ku caan baxay qoraalada uu dhigo baraha bulshada isagoo ku boorin jiray taageerayaasha kooxda ISIL inay weeraraan wadanka Mareykanka ayaa Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka caddeysay inuu isku dhiibay dowlada Soomaaliya.
Wiilkan Soomaali Mareykanka ah oo lagu magacaabo Maxamad Cabdullahi Xasan oo Al-shabab kusoo biiray 7 sano kahor, waxaaa loo yiqiin Abuu Miski ayaa 6-da November isku dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya sida lagu sheegay Wwakaalada wararka ee AP kasoo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pooja Jhunjhunwala ayaa xaqiijisay in Miski uu kujiro saldhig ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Waxayna intaasi ku dartay in Mareykanka iyo dowlada Soomaaliya ka wadahadalayaan sidii loo gacan gelin lahaa Mareykanka.
Xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Minnesota ayaa Xasan horay ugu soo oogay inuu ku lug leeyahay falal argagixiso. Xafiiska FBI-da Mareykanka ee Minneapolis ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arintan Maxamad Xasan.
Wadani.com