Xaflad lagu dhaarinayay xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta maamulkaasi, iyadoo xaflada dhaarinta ay goobjoog ka ahaayeen wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliyo, wakiilo ka socday IGAD iyo Beesha caalamka iyo marti sharaf kale.
Tirada xildhibaanada la dhaariyay ayaa gaaraya 89, iyadoo tiro kale ay harsan tahay oo gaareysa 20 xubnood, waxaana la sheegay inay xildhibaanada soo xuleen odayaasha dhaqanka beelaha saddexda gobol ee maamulka K/Galbeed ka kooban yahay, iyadoo muddo dheer oo ka badan 5 bilood ay qaadatay intii lagu jiray xulintaanka xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in beelo badan ay ka biyo diidan yihiin weli tirada laga siiyay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana maamulka iyo odayaasha K/Galbeed ay balan qaadeen inay xalinayaan khilaafaadka iyo cabashooyinka jira.
Faahfaahin kale goor dhow
Wadani.com