Koox sheegatay inay ku biireen, kana go’een ururka Al-Shabab isla markaana balan la galeen ururka khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa la sheegay degaan cusub ka qabsadeen ururkii ay ka jabeen ee Alshabaab, halkaasoo ah tuulo lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, una jirta 12 KM degmada Dhoobley.
Tuulada waxay horey saldhig ugu ahayd ciidamada Jubba oo u baneeyaykooxdan ka midka ahayd ay hadda isu bedeshay DAACISH ay halkaas gudaha u soo galeen. Al-Shabaab/Daacish ayaa dagaal kula jirta kooxaha raacay Daacish oo saraakiil ka mida ay weeraro qorsheysan ku dishay.
Waa qeybtii labaad ee ka go’day al-Shabaab ee ku biiray kooxda ISIL ay qabsadaan meel ka mid ah Soomaaliya, iyadoo hore kooxdii hore u ahayd Alshabaab ee ku sugan Buuraleyda Galgala ay ku biireen Daacish.
Ururka ISIL ayaa ku fidey goobaha dunida muslimka dagaaladu ka jiraan, sida dalalka Yemen, Libya, Afghanistan iyo Masar iyo dalal kale iyagoo la wareegtay kooxihii hore u taabacsanaa Al-Qaacida.
Wadani.com