Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay xukun qisaas ah ku fuliyeen Nin lagu Magacaabi jiray Xuseen Macalin Maadeey oo ay ku eedeeyeen inuu kufsaday haweeney ka mida dadka Buurhakaba.
Dadka degaanka ayaa sheegay Al-shabaab ay ninkan ku karbaasheen goob fagaare ah oo ku taalla duleedka Degmada Buurhakaba,waxaana ka soo qeyb galay dilkaas dad la isku soo ururiyay, iyadoo maxkamad ALshabaab ah ay ku xukuntay ciqaab.
Xukunnada Alshabaab ayaa intooda badan lagu saleeyaa qirasho ah in qofka la soo eedeeyay uu qirtay denbigiisa.
Wadani.com