Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Shirkadda Soma Oil & Gas oo xogtii ugu horeysay ee sahminta shidaalka ku wareejisay dowladda Somalia

    Shirkadda Soma Oil & Gas oo xogtii ugu horeysay ee sahminta shidaalka ku wareejisay dowladda Somalia

    December 9, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo Wasaaraddu si rasmi ah kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Shirkadda muranku ka taagnaa heshiiska lala galay ee Soma Oil & Gas.

    Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, isagoo bogaadiyay  xog ururinta ay sameysay Shirkadda Soma Oil & Gas ka sameysay Badweynta Hindiya oo maanta ay ku soo wareejisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo xukuumadda Soomaaliya.

    Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Shirkadda Soma Oil & Gas, oo wasaaradda ku wareejiyay macluumaadka xogta sahmintii ay ka sameeyeen Badweynta Hindiya. Xarunta cusub ee Wasaaradda ayaa waxay u dhowdahay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ee sanadihii 60-dameeyadii.

    Labadii sano ee la soo dhaafay, Wasaaradda waxa ay ku shaqeyn jirtey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, waxaana markii ugu horeysay muddo 25 sano Wasaaradda awoodii doontaa in ay hesho xarun iyada u gaar ah.

    Dhismahan ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa qeybta sheybaradda, qeybta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha. Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xogta la sameeyay la soo bandhigi doono, si shirkadaha maalgashiga ay tartan ugu galaan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga faa’ideysto kheyraadka dalka.

    Shirkadda Soma Oil & Gaas ayaa dowladda Federaalka ku wareejisay xog macluumaad shidaal oo ay ka soo uruurisay qeyb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya, Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soma Oil & Gas.

    Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka hadlayay daah furka xarunta cusub ee Wasaaradda iyo la soo wareegida xog uruurinta shirkadda Soma Oil & Gas ayaa sheegay inay tahay horumar ay sameysay Wasaaradda.

    “Daah furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda waa aqbaar fiican gaar ahaan xilii dowladda culey ka haysto dib u dhiska hay’adaha qaranka, Dhismahani waxa uu yeelanayaa Qolka Keeydka Xogta (Data Room) taasoo muhiim u ah horumarinta baarista shidaalka Soomaliyeed, Haddii la rabo in ay Soomaaliya soo saarto shidaal, horumar dhaqaalana gaarto”ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in marka hore ay muhiim tahay in la uruuriyo xog, isla markaana la diyaariyo aqoonyahanno Soomaliyeed of fahmi kara xogtaas sida uu yiri. “Qolka Keeydka Xogta” waxa lagu xafidayaa macluumadka ahmiyadda gaarka u leh Wasaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo ciddi iskaashi ganacsi-wadaag la leh, waxaana xogtaan laga iibinayaa dadka danaynaya in ay Soomaaliya maalgashadaan”ayuu yiri Wasiirka.

    Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keydka Xogta iyo wada shaqeynta sookeye ee ka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira “badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”

    Qolka Keeydka Xogta waxaa la dhigi doonaa:

    1. Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);
    2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);
    3. Xogta la turjumay (Interpreted data);
    4. Xogta laga keenay midda laga baraandageey iyo midda la turjumay (Derivative data from processed and interpreted data);
    5. Xogaha hore ee ay Soma Oil & Gas ka soo heshay meelo kale sii eey uu fahamto jiyoolojiyadda Soomaaliya.

    Helida xog dhameestiran waa qeeb ka mid ah qorshaha guud ee lagu horumarinaayo baarista shidaalka Soomaaliya. Waxybaaha kale ee ay Wasaaraddu wado waxaa ka mid ah sidii Soomaalida u yeelan lahayeen aragti mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga waxsoosaarka, sameynta Shirkada Shidaalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nidaaminta Shidaalka.

    xarig-jar (1)

    xarig-jar (2)

    xarig-jar (3)

    xarig-jar (4)

    3V3A6775

    3V3A6753

    Wadani.com

    Oil & Gas SOM Oil Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWhy a Minnesota cop spent a year in Somalia training Mogadishu police
    Next Article Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay in boob lagu hayo hantida Dowladda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo