War goor dhoweyd laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ayaa rasaas ku fureen gaari marayey meel u agagarka wadada Maka Al Mukarama ee ah tan ugu mashquulka badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Laba qof oo gaariga al weeraray saarnaa ayaa la sheega in weerarka lagu dilay, iyadoo wararku sheegayaan in mid ka mid ah labada qof ee geeriyooday ayaa la sheegay in tahay gabar u shaqeyneysay Qaramada Midoobay.
Kooxda dableyda ah ee weerarka qaaday ayaa Baabuur ay wateen ku hor gooyay gaariga kale ee ay weerarka ku qaadeen, waxaana rasaas xoog leh ay ku fureen baabuurkaasi inta aanay baxsan.
Wixii soo kordha la soco insha allaah
Wadani.com