Booliska dalka Ingiriiska ayaa baadi goob ugu jira Sadex gabdhood oo Soomaali ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen lana aaminsan yahay inay u safreen dalalka Syria iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxda Daacish. Wargeysyada dalka Ingiriiska ayaa qoraya in hay’adaha amaanka Ingiriiska ay raadinayaan sadexdaan gabdhood oo laba ka mida ay walaalo yihiin.
Gabdhahaan magacyadooda waxaa lagu sheegay Caabir Saalax oo 16 sanno jir ah Axlaam Saalax oo 15 sanno jir ah iyo Fardawzo Xasan oo iyana 13 sanno jir ah.
Boolisku waxay sheegeen in Sadexdaan gabdhood la waayay illaa iyo bishaan gudaheeda waxaana ay deganayeen xaafadda la yiraahdo Wood Green ee London ku taala.
Saraakiisha booliska ayaa sidoo kale sheegay inay aaminsan yihiin in gabdhahaan Soomaalida ah oo da’doodu yartahay inay ku fekereen inay ku biiraan kooxda Daacish oo ay safar galeen hase ahaatee afhayeen u hadlay waaxda sirdoonka ee Scotland Yard ayaa aaminsan in gabdhahaas ay willi Ingiriiska ka bixin.
Waalidiinta gabdhahaan ayaa sheegay inay ka wel welsan yihiin xaaladda ay gabdhahooda ku sugan yihiin oo aysan ka warqabin. Soomaali aan tiro yareyn oo rag dumarba leh ayaa ka mid ah dagaalamayaasha ururka Daacish.
Wadani.com