Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka ayaa markii u horeysay muddo ku guuleysatay koobka Koobabka dalka ee Jeneraal Daa’uud, kadib markii ciyaartii kama dambeysta aheyd ee maanta ay 2-1 uga badisay Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Banaadir Stadium ayaa si toos ah looga daawanayay TV-ga dowladda ee SNTV. Xamaasada uu kulankan lahaa ayaa ahaa maadaama labada kooxood ay matalaan Ciidamada Booliska iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kooxda Heegan ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay gool, iyadoo kooxda Horseed kaarka cas laga siiyay mid ka mid ah ciyaaryahanada ayna ku ciyaareysay 10 laacib oo qura.
Kooxda Horseed ayaa koobkii Jeneraal Daa’uud la hoyatay, iyadoo ugu dambeysay 1982, waxaana xilli ciyaareedkan kooxda aad ayaa looga cabsi qabaa, maadaama ay xidigo ajnabi soo iibsatay.
Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ayaa koobka guddoonsiiyay kabtanka Horseed, iyadoo dabaaldeg weyn kooxdu ka dhigtay garoonka.
Wadani.com