Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Beelihii ku dagaalamay Magaalada Beledweyne oo saxiixay heshiis 6 Qodob ka kooban (Sawirro)

    Beelihii ku dagaalamay Magaalada Beledweyne oo saxiixay heshiis 6 Qodob ka kooban (Sawirro)

    December 18, 20153 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa goobjoog ka ahaa heshiis rasmi ah oo gelinkii danbe ee maanta ay ku gaareen Beledweyne waxgaradka beelihii dhawaan ku dagaalamay halkaas.

    Munaasabaddan kooban oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay 6-qodob oo ay ku heshiiyeen labada beelood , iyadoo dhinacyadu ay soo dhaweeyeen heshiiska, isla markaana ay qaateen nabad.

    Wasiirka Bartroolka iyo kheyraadka Badda Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa sheegay in Wasiirada Xildhibaannada iyo siyaasiinta gobolka Hiiraan ay ku dadaalayaan in gogasha shirka maamul u sameynta gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qabto Baladweyne, isla markaan caasimadda laga dhigo Baladweyne, laakiinse haddii ay si socdaan dagaalada noocan ah aysan suuro-gali karin in shirka iyo caasimadad laga dhigo Baladweyne; isagoo kula dar-daarmay inay ka shaqeeyaan nabadda.

    Nabaddoon Maxamed Sheekh Aadan oo ka mid odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in duubabku ay mar walba u taagan yihiin xallinta khilaafaadka soo dhax gala bulshada, balse dowladda ay dhinaceeda ka gaabisay,wuxuuna intaa raaciyay inay rajo wanaagsan ay ka qabaan in la dhaqan-galiyo heshiiskan.

    Dardaaran iyo hoga tusaalayn dheer oo loo jeediyay garabyadii ay dirirtu dhex martay ka dib ayaa goobta laga aqriyay qodobbadii ay ku heshiiyeen beelaha,isla markaan ay u kala saxiixeen wakiillo metelaya labada dhinac,waxayna u dhignaayeen sidan:-

    Qodobbada lagu Heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen;

    1. Dhaqan-gelinta iyo adkeynta xabad-joojintii ay kala saxiixdeen labada beelood 15-Dec-2015. Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara colaad dambe – Af iyo Adinba.
    2. In dhammaan goobihii dagaalladu ka dhaceen ay ahaadaan kuwa ka caagan wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah. Mas’uuliyadda Ammaanka looga dambeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
    3. Inay ballan-qaadayaan cuqaasha iyo mas’uuliyiinta labada beeloodba inay ilaalinayaan amniga iyo xasiloonida magaalada, wixii labada beelood dhexdooda ahna loo saarayo gudi soo baara kaddibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odoyaasha dhaqanka labada beelood iyo odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan.
    4. Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha reer Hiiraan waa in loo maraa wada sharci ah. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax ka qabashada wixii tabasho maamul ah ee ay qabaan beelaha reer Hiiraan.
    5. Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay dhaqan-gelinta heshiiskaan tillaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyada dhaqangelinta heshiiskaan mas’uul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo is-kaashanaya.
    6. Heshiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la saxiixo.

    Dhanka kale, Heshiiskaan ayaa waxaa Beesha Jajeele u saxiixay, Xaaji Maxamed Goosaar Guure, halka Beesha Gaaljecel uu u saxiixay, Nabadoon Cumar C/llaahi Cali.

    GOOB-JOOGE; Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiraan Col Osman Dubad Sugulle.

    DAMAANAD-QAADE: Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed.

     

    SAWIRRO

    heshiis bw

    heshiisbw3

    heshiisbw2

    Wadani.com
    BELEDWEYNE Heshiis
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/weli Gaas: “Dadka Somaliya 90% waxay rabaan inaan 4.5 lagu noqon, aqlabiyada waa in la qaataa..”
    Next Article Golaha Ammaanka oo isku raacay Qaraarkii ugu horeeyay ee laga gaaro xaalada Suuriya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo