Diyaarad ay leedahay shirkadda AIR FRANCE oo ku timid jasiirada Mauritius, kuna socotay dalka Faransiiska ayaa degdeg ah loogu dejiyay garoonka caalamiga ah ee Moi oo ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya kadib markii la arkay qalab loo maleeyay waxyaabaha qarxa oo dhex yaala mid ka mid musqulaha Diyaaradda.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa 777 plane ayna saarnaayeen 473 qof waxay ku degay garoonka Mombasa xaaladas darteed, waxaana diyaarada tegay khabiiro dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo baaritaan ku haya, iyadoo dadkii rakaabka ahaa loo qaaday hoteelada magaalada la-talin lagu siinayo.
Laba qof oo rakaabka ka mida lagana shakisan yahay ayaa gaar loo hayaa, waxaana aad loo sugay ammaanka garoonka MOI ee magaalada Mombasa xilli diyaaradaas weyn baaritaan dhinac waliba leh uu ku socdo.