Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay la wareegeen degaanka Qoryaale oo xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaan dagaalka labada dhinac lagu dilay 7 maleeshiyo oo ka tirsan AlShabaab.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo gacan ka helaya AMISOM egaar ahaan ciidamada Jabuuti ayaa saaka la sheegay iny u dhaqaaqeen saldhig qarsoodi ah oo maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen degaanka Qoryaale oo u dhaxeeya degmada Jalalaqsi iyo Ceel baraf, halkaasna waxay ciidamadu ku dileen 7 ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, sarkaal kalena way ku dhaawaceen.
Intii uu socday howlgalkaasi ayeey ciidamadu gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo Alshabab lahayd. Deegaanka Qoryaale ee lagala wareegay Shabaab ayaa dhaca xuduudda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Wadani.com