Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Beledweyne, iyadoo ay socoto diyaargarowga soo dhoweynta madaxweynaha ee garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ku saabsan sidii loo dedejin lahaa maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, wuxuuna ku soo aadayaa iyadoo madaxweynuhu magacaabay shalay guddoomiye cusub oo gobolka Hiiran uu yeesho isla markaana uu wareegto ku soo saaray caasimada maamulka labada gobol ee aan weli la dhisin iyo caasimada maamulkaasi.
Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha Gobolka Hiiraan ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inay magaalada Beledweyne martigeliso shirka maamul u sameynta labada gobol ayna noqoto caasimadda maamulka cusub ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu odayaasha gobolka Hiiran ka qanciyo talaabada uu qaaday oo intooda badan ay diidan yihiin.
Wadani.com