Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Afar iyo Bar (W/Q: Yusuf Garaad)

    Afar iyo Bar (W/Q: Yusuf Garaad)

    December 21, 2015Updated:December 21, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    yusuf-garaadBishii Sebtember 1999 ayay ahayd markii Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo xilka hayay dhowr bilood uun, uu ka istaagay magaalada New York shirka Golaha Guud ee QM (Qaramada Midoobay). Wuxuu ku dhawaaqay in Djibouti ay fidineyso gogol Soomaalidu ay dib ugu heshiiso ugana tashato aayaheeda.

    Ogow markaas Soomaaliya ma laha Dowlad, xataa mid lagu muransan yahay ma jirto.

    Ethiopia isla goobta ayay markiiba ka sheegtay in ay taageersan tahay shirka ay Djibouti u qabaneyso Soomaalida. Shirka Golaha Guud ee QM ee 1999 matalayay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin. Khudbaddii uu akhriyay Wasiirku wuxuu ku sheegay in Ethiopia ay taageersan tahay Shirka Soomaalida ee ay Djibouti ay ku dhawaaqday.

    Kulammo badan oo aan diblomaasiyiin iyo hoggaamiyayaal siyaasadeed kula yeeshay Addis Ababa iyo Djibouti waxaa iiga soo baxay in Djibouti shirka ay dooneysay in ay u qabato Soomaalida aanay kala tashan kana wargelin Ethiopia ka hor ku dhawaaqiddiisa.

    Ethiopia waa dal muhiim ah oo la deris ah Soomaaliya iyo Djibouti labadaba. Waana dal hadday noqon lahayd galaangalka Afrika iyo haddii ay noqon lahayd isa saameynta siyaasadeed iyo tan amni ee kala dhaxaysa Soomaaliya iyo Djibouti, ay taageeradeeda shirku aad muhiim u tahay.

    Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu u socdaalay Addis Ababa. Wuxuu codsaday in ay Ra’iisal Wasaaraha isku arkaan gegida dayaaradaha. Markii ay ku kulmeen garoonka Bole ee Addis Ababa, ayuu Madaxweynaha Djibouti wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia guddoonsiiyay gal ay ku jirto faahfaahinta Shirka ay Djibouti damacsan tahay in ay ku qabato Carta. Madaxweyne Ismaaciil wuxuu weydiistay Ra’iisal Wasaare Meles in uu soo derso qorshaha Djibouti ee shirka, wuxuuna ka codsaday in Ethiopia ay Djibouti ku taageerto shirka iyo natiijada ka soo baxda.

    Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, isaga oo aan akhrin ayuu aqbalay in uu shuruud la’aan ku taageero shirka ay Djibouti u qabaneyso Soomaalida, iyo wax kasta oo ay Soomaaliya ku taageereyso.

    Hadalkan waxaan marka hore ka helay ilo sare oo Ethiopian ah, maalmo ka dibna xeyndaabyo Djibouti ah ayaa la iiga qiray xogta aan Addis Ababa ka soo helay.

    Inkasta oo aanan dhinaca Ethiopia ka maqal, waxay ilo reer Djibouti ahi ii sheegeen in kulanka Bole uu Ra’iisal Wasaare Zenawi ku codsaday in aan la duudsin dadka qaar.

    Berigaas ciidammada Ethiopia waxay ku sugnaayeen degaanno ka tirsan Gobolka Baay oo ayaga oo gacan siinaya malliishiya degaanka ah, ka saaray ciidammada Caydiid oo xoog ku haystay degaanka.

    Geelle wuxuu halkaa Zenawi ugu ballan qaaday in si siman ay wax u heli doonaan.

    Taas waxaan u haystaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee ay hoggaamiyayaasha Gobolku ay ku heshiiyeen in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo isla markaana ay Djibouti meel marisay.

    Waxaan anigu u macnaystay curashada 4.5 in heer Qaran wax loogu qeybsado in ay ka timid kulanka labada hoggaamiye ee Bole. Inkasta oo ra’yiga 4.5 markaa ka hor laga dhawaajiyay la iskuna dayey in la hirgeliyo haddana wuxuu ku koobnaa hoggaamiye kooxeedyo gadoodsan iyo aqoonyahanno aan awood fulineed lahayn.

    Laga soo billaabo Baarlamaankii lagu dhisay Carta 2000, lagu xijiyo kii lagu dhisay Kenya 2004 oo haddana lagu kabay mid kale shirkii Djibouti 2009 iyo Baaralamaanka hadda jira ee lagu dhisay Muqdisho 2012 dhammaantood waxay ku salaysan yihiin afar qabiil oo kuraasta u qeybsaday si siman iyo qabaa’il la isu geeyay oo la siiyay kala bar kuraasta afarta qabiil mid kasta oo ka mid ahi uu qaatay.
    Maaddaama maalmahaan ay dhinacyada qaar ka dhawaajiyeen in ay rabaan in laga guuro 4.5, dhinacya kalena ay ku dheggan yihiin waxaa igu dhashay su’aalo badan. Marka aan ka fekerayo jawaabaha su’aalaha igu dhashay, waxaan rabaa in aan kor u fekero si aad ii maqasho oo fikir aan isugu darsanno. Maanta waxaan dhiraandhiriyey halka lagu go’aamiyey in si siman wax loo qeybsado. Qormooyin kale ayaa xigi doona.

    Nidaamka 4.5 oo dadku ay inta badan ay af Ingiriis ku sheegaan waxaa uu ka mid noqday sharciyada aan qorneyn ee Soomaaliya looga dhaqmo. Maxaa laga faa’iday? Muxuu cillado leeyahay? Ma la joogaa xilli ay tahay in laga gudbo? Ma naqaan nidaam ka fiican oo aan ku beddelno? Ma la diyaariyay meel looga guuro?

    Su’aalahaas iyo qaar kale waxaan ku eegi doonaa qormooyinkeyga soo socda, haddii Allah idmo.

    W/Q: Yusuf Garaad

    Xigasho: yusuf-garaad.blogspot.com

    4.5 Yusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka Jubba oo isku khilaafsan inuu Barre Hiiraale tago Kismaayo & Xiisad ka taagan Magaalada
    Next Article Two dead, three injured as suspected Shabaab militants attack bus in Mandera

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo