Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si diiran usoo dhoweeyay in magaalada Jowhar ay marti gelineyso shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, sida uu wareegto ku soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaan soo dhoweynayaa go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaaray in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ay marti geliso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waa ku faraxsanahay, wuxuu ahaa go’aan geesinimo leh, shacabka gobolkana aad ayay ugu riyaaqeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhinaca kale sheegay in magaalada Jowhar iyo degaanada kale ee gobolka ay ka jirto nabad la isku haleyn karo.
Dhinaca kale bannaanbax lagu soo dhoweynayo in magaalada Jowhar la dhigo gogosha shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta kadhacay magaalada Jowhar, iyadoo dadweyne isugu soo baxay halkaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen go’aankaasi.
Wadani.com